4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 27, 2018
Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay sarkaal ka tirsan Aqalka odayaasha Mareykanka

 

Talaado, Maarso, 27, 2018 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta la kulmay Sanator Jeff Merkely oo ka tirsan Aqalka Odayaasha ee dalka Maraykanka.

Madaxweynaha iyo Sanatarka ayaa ka wadahadlay arrimaha bini’aadannimada ammaanka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Jeff Merkely ayaa Madaxweyne Farmaajo u muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in Soomaaliya mar kale ay dowladnimadeedii soo noqoto, waxaana uu ku bogaadiyay dowladda Soomaaliya dadaalka badan ay ku bixinayo sidii loo soo celin lahaa ammaanka guud ee dalka.

Jeff Merkely waxaa kale oo uu dowladda ku ammaanay hufnaanta dhaqaalaha isaga oo tusaale usoo qaatay warbixinta hey’adda Lacagta aduunka iyo Bankiga ay ka qoreen hanaanka maaliyadeed ee dalka, waxa uuna sheegay in ay tahay wax lagu farxo dadaalka ay dowladdu muujisay.

 

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Soomaaliya lagu garab siiyo dagaalka ay kula jirto argagixisada Alshabaab, taas oo furo u ah horumarka iyo xasilloonida dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]