3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 27, 2018
Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay saraakiiisha dhalinyarada ah ee ku jira ciidamada militariga

 

Talaado, Maarso, 27, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xarunta wasaaradda Gaashaandhigga kula kulmay Saraakiisha dhalinyarada ee loo magacaabay hoggaanada ciidanka militariga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa labadii todobaad ee la soo dhaafay ku shaqeynayay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, waxaana uu dib u habeyn iyo is bedel uu ku sameeyay hoggaanada ciidamada.

Kulanka uu la qaatay Madaxweynaha Saraakiisha dhalinyarada ee lagu soo tababaray dalka dibaddiisa ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh iyo Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jen Cabdiwali Jaamac Gorod.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyay kartida iyo dadaalka Saraakiisha dhalinyarada, waxaana uu ku booriyay sidii loo dardar gelin lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo difaaca dalka.

Madaxweynaha ayaa is bedel ku sameeyay hoggaanka talisyada ciidamada xoogga dalka oo ahaa illaa 22 hoggaan, waxaana uu ku soo koobay 13 hoggaan oo ay qeyb ka yihiin Saraakiisha dhalinyarada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
3/27/2018 5:24 PM EST
Talaado, Maarso, 27, 2018 (HOL)–Isbaheysiga tallada dalka Itoobiya haya ayaa u doortay Abiy Ahmed in uu noqdo hogaamyaha Xisbiga , isaga oo badalaya ra’iisal wasaarihii xilka iska casilay islamarkaana ahaa hogaamiyaha xisbiga Hailemariam Desalegn,

3/27/2018 4:19 PM EST
Talaado, Maarso, 27, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta la kulmay Sanator Jeff Merkely oo ka tirsan Aqalka Odayaasha ee dalka Maraykanka.

3/27/2018 4:12 PM EST
Talaado, Maarso, 27, 2018 (HOL) – Danjiraha dowladda Soomaaliya ee Qaramada Midoobey Abuukar Daahir Cismaan ayaa khudbad uu u jeediyay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, wuxuuna Dacwad ka dhan ah dalka Isutagga Imaaraadka Carabta u gudbiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

3/27/2018 4:04 PM EST
Talaado, Maarso, 27, 2018 (HOL)–Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa caawa ku toogtay degmada Shibis ee magaalada Muqdisho Haweeney ka tirsaneyd Baarlamaanka maamulka Koofur Galbeed.

3/27/2018 11:58 AM EST
Talaado, Maarso, 27, 2018 (HOL)-Dagaalamayaasha Al-shabaab ee weerarada ku qaada xarumaha Dowladda iyo Hotelada Magaalada Muqdisho waxa ay inta badan waxa ay soo xirtaan Dareyska ciidamada haddii ay ahaan lahaayeen militaria, Nabad sugidda iyo Booliska intaba.

3/27/2018 9:11 AM EST
Talaado, Maarso, 27, 2018 (HOL)-Golaha Wasiiradda Somaliland ayaa maanta ansixiyey odoroska miisaaniyad sanadeedka 2018-ka oo lagu sheegay inay dhan tahay 1687000,000,000 (Hal trillion, lix Boqol iyo Siddeetan iyo Toddoba Bilyan), SL shilling oo u dhiganta $ 2,81,166,667 dollar.

3/27/2018 5:20 AM EST
Talaado, Maarso, 27, 2018 (HOL) - Maraykanka, Canada, Ukraine iyo afar iyo toban dal oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa si wada jir ah ugu dhawaaqay in ay dalalkooda ka eryayaan boqolaal dublomaasi oo Ruush ah, sababtuna tahay weerarkii sunta habdhiska dareen wadka disha loo adeegsaday ee ka dhacay Ingiriiska.

3/27/2018 5:00 AM EST
Talaado, Maarso, 27, 2018 (HOL)-Qaarkamid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Columbus Ohio oo iskugu yimid kulan ay ku muujinayeen sida ay uga xun yihiin qayla-dhaanta shacabka Beledxaawo ee la xariirta dhismaha darbiga..

3/27/2018 3:12 AM EST
Talaado, Maarso, 27, 2018 (HOL)-Sida ah Hiiraan Online u sheegeen qaar ka mid ah wadayaasha gadiidka dadweynaha ee Muqdisho waxaa xira qeybo ka mid ah jidadka magaalada Muqdisho iyadoo ay jiraan ciidamo dheeraad ah oo la dhigay Isgoysyada muhiimka ah.

3/27/2018 2:37 AM EST
Talaado, Maarso,27,2018 (HOL)-Afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Max’uud Raage oo wareysi siinayay Idaacada ku hadashay Afka kooxda ee lagu magacaabo Andalus ayaa ka hadlay xiisada ka taagan degmada Beled-Xaawo.

3/27/2018 2:24 AM EST
Talaado, Maarso, 27, 2018 (HOL)-Madaxweynihii hore ee dalka South African Jacob Zuma ayaa looga yeeray maxkamad si uu u wajaho 6-da bisha April dacwad isaga ka dhan ah oo la xiriirta musuqmaasuq,

3/27/2018 2:16 AM EST
Talaado, Maarso, 27, 2018 (HOL) Rag hubeysan ayaa xalay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ay ku dileen mid ka mid ah dhalinyarada degmada oo si weyn loo garanayay, sida ay inoo sheegeen dadka degaanka.

3/27/2018 2:03 AM EST
Talaado, Maarso, 27, 2018 (HOL)-Munaasabad lagu saxiixayay heshiiska midowga Labada Baarlamaanka ee Galmudug iyo Ahlu Sunna ayaa lagu qabtay degmada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud.

3/27/2018 1:54 AM EST
Talaado, Maarso, 27, 2018 (HOL)-Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Abdulkadir Ahmed Kheyre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi.