4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 27, 2018
Xukuumadda Ra'iisal wasaare Kheyre oo loogu baaqay in ay ka dhabayso wada hadallada Xuduudda Kenya iyo Soomaaliya



Talaado, Maarso, 27, 2018 (HOL)-Qaar kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Columbus Ohio oo iskugu yimid kulan ay ku muujinayeen sida ay uga xun yihiin qayla-dhaanta shacabka Beledxaawo ee la xariirta dhismaha darbiga laga dhisayo xaduudda u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxa ay siyaabo kala duwan fariimo ugu direen, Dowladda Soomaaliya, Dowladda Kenya iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Inta baddan dadkii ka hadlay isku imaatinkan ayaa waxa ay xukuumada Raysulwasaare Kheyre ka codsadeen, in ay ka dhabayso wada hadallada isla markaana si dhab ah loo darso mushkilladda xaduudda ee qayla-dhaantu ka imaanayso, iyaga oo wax laga xumaado ku tilmaamay in la dumiyay guryo dad shacab ah oo masaakiin ah ay leeyihiin kuwaas oo u baahan in dib loogu dhiso guryahoodii.

Shacabka Beledxaawo ayay ku tilmaameen dad u taagan qarannimada Soomaaliya isla markaana dhawaqooda iyo ficilkoodaba soo gaarsiiyay heer ay madaxdoodii  ka hadlaan ama ay xariir la sameeyaan dowladda Kenya.

Waxgaradkii ka hadlay madasha ayaa dowladda Kenya ugu baaqay in ay ilaaliso darisnimada iyo xariirka soo jireenka ah ee labada dal iyo labada shacab u dhexeeya, oo aysan ka faaiidaysan jilicsanaanta dowladda Soomaaliya, iyaga oo dhanka kale Mandheera iyo Beledxaawo ku tilmaamay magaalooyin isku mid ah oo sina aysan dadkoodu u kala maarmin.

Maamulka iyo shacabka Beledxaawo ayay sidoo kale ugu baaqeen in ay ka shaqeeyaan wixii wanaag ah islamarkaana ilaaliyaan hantida qaranka Soomaaliyeed oo ah dhulka iyo xaduudda oo ka dhaxaysa gabi ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Maalmihii la soo dhaafay ayay xiisad ka taagnayd xaduudda Beledxaawo iyo Mandheera kadib markii dowladda Kenya ay bilowday dhismaha darbi ay ku xayndaabayso xaduudkeeda lakin dhacabka Beledxaawo ayaa qaba in dhul ay Soomaaliya leedahay ay Kenya dhisanayso islamarkaana ay burburisay hanti kale, waxaana iminka biloowday wada hadallo labada dowladdood u dhexeeya.

Deeqo Shire (SONNA),
Hiiraan Online,