4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 27, 2018
Muqdisho jidadka qaar oo xiran

 

Talaado, Maarso, 27, 2018 (HOL) - Sida ay Hiiraan Online u sheegeen qaar ka mid ah wadayaasha gadiidka dadweynaha ee Muqdisho waxaa xira qeybo ka mid ah jidadka magaalada Muqdisho iyadoo ay jiraan ciidamo dheeraad ah oo la dhigay Isgoysyada muhiimka ah.

Jidadk xiran ayaa waxaa ka mid ah qeybo ka mid ah Waddada Maka Al-Mukarama, dhinaca Waddada gashaTarabuunka, Isbitaalka Xoogga, iyo jidadka soo gala xarunta Golaha Shacabka.

Ciidamada ammaanka ayaa la geliyay feejignaan sare, waxaana xaafadaha qaar ee magaalada laga soo sheegayaa inuu ka jiro howl gallo baaritaano oo gaadiidka qaar si aan horay loo arag loo baarayo.

Ammaanka Waddada hormarta Xarunta Golaha Shacabka ayaa la adkeeyay, waxaana la dhigay dhagxaan waa weyn, gaar ahaan dhanka Isgoyska Sayidka illaa agagaarka Xarunta Tiyaatarka oo lagu xoojiyay ciidamo dheeraad.

Isgoyska Sayidka oo ay bar koontarool ku leeyihiin Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada ayaa dhowr jeer ka dhacay qaraxyo iyo weeraro.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]