4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 27, 2018
Madaxweynihii hore ee Koonfur Africa Jacob Zuma oo La Maxkamadeynayo


Talaado, Maarso, 27, 2018 (HOL) - Madaxweynihii hore ee dalka South African Jacob Zuma ayaa looga yeeray maxkamad si uu u wajaho 6-da bisha April dacwad isaga ka dhan ah oo la xiriirta musuqmaasuq,booliska ayaa sheegay in warqada u yeerista Zuma la soo saaray Isniinti shalay.

Xafiiska Dacwad-oogayaasha qaran ee South Africa ayaa horraantii bishaan sheegay in ay Jacob zuma kusoo eedeyn doonaan 16 dacwadood oo ay ku jiraan ku-takri-falid awood, musuq-maasuq iyo lacago been abuur.

Dacwadaha ayaa sidoo kale waxaa ku jira heshiisyo dhinaca hubka ah oo uu Zuma ku lug lahaa sanadkihii sagaashamaadkii. Dacwadahani ayaa sannado badan ka hor la tuuray, kadib inta uusan Zuma u ordin xafiiska sanadki 2009-kii.

Zuma ayaa horay u beeniyay eedaha loo soo jeediyay. Qareenada difaacaya ayaa sheegay in ay racfaan ka qaadan doonaan eedaha cusub ee lagu soo oogayo madaxweynihi hore ee South Africa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]