4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 26, 2018
Xildhibaanno guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka ku eedeeyay in uusan dhaxdhaxaad aheyn

 

Isniin, Maarso, 26, 2018 (HOL)–Guddi Xildhibaanno ah oo ku shiray xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdishooo la baxay guddiga Badbaadda baarlamaanka ayaa ku eedeeyay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Ibraahim Muudeey in uu la saftay Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Guddoomiye Jawaari.

Xildhibaannada oo tiradooda lagu sheegay 100 xildhibaan ayaa waxaa shir guddoominayay Xildhibaan Maxamed Cumar Carte Qaalib, waxaana ay kulankooda ka soo saareen baaq.

Waxaa ay ku baaqeen in la helo Guddoon dhex dhexaad ah, isla markaana Guddoomiye C/wali Muudey aanu dhex dhexaad aheyn, isla markaana aanu keligiis go’aamin karin Kulanka Golaha Shacabka.

Xildhibaannada ayaa soo jeediyay in si degdeg loo qabto shirka guddiga joogtada, islamarkaana Guddiga xalinta khilaafaadka Aqalka sare ay goobjoog ka noqdeen.

Sidoo kale waxaa ay soo dhaweeyeen baaqii ka soo baxay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee la xiriira arrinta xal u helida Mooshinka.

Waxaa ay ugu baaqeen ugu danbeyntii Xukuumadda in ay faraha kala baxdo arrimaha baarlamaanka, isla markaana amniga wax ka qabato iyo xaalada ka taagan degmada Beledxaawo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]