4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 26, 2018
Maamulka gobolka Banaadir oo faah faahin ka bixiyay Qaraxyo ka dhacay Muqdisho

 

Isniin, Maarso, 26, 2018 (HOL) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay labo Qarax oo goor dhaw ka dhacay magaalada Muqdisho.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane ayaa sheegay in ugu yaraan Labo ruux ay ku dhinteen qaar kalana ku dhaawacmeen Qarax ka dhacay Xaafadda Oodweyne ee gobolka Banaadir.

Qaraxa ayuu sheegay in uu miino dhulka loog aasay gaari uu la socday guddoomiye Laameed ka tirsan degmada Deyniile.

Sidoo kale Qarax labaad ayaa ka dhacay waddada Warshadaha ee magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka warshadda Biyaha Caafi, Lama soo sheegin Khasaare ka dhashay Qaraxa ka dhacay Warshadda Biyaha Caafi.

Dadka reer Muqdisho ayaa u muuqda kuwo foojignaan dheeraad ah ka qaba Qaraxyada loo adeegsado gadiidka iyo miinada dhul la galiyo oo waayadii ugu danbeeyay siweyn u soo kordhayay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]