4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 26, 2018
Jubbaland: Dowladda dhexe ayay ahayd in mar hore ay guddi u saarto arinta Xuduudda



Isniin, Maarso, 26, 2018 (HOL)-Madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Jubbaland Mudane Max’uud Sayid Aadan oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo kadib safar uu mudooyinkii ugu danbeeyay ugu maqnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ka hadlay arrinta muran ka taagan xuduudda Kenya iyo Soomaaliya ee dhanka Baladxaawo.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa sheegay in ka masuuliyiin ahaan ay shacabka la qabaan dareenka ay ka muujiyeen arintaasi, isagoo sheegay in ay jiraan wadahadallo u dhexeeya madaxda dalalka Soomaaliya iyo Kenya oo xal looga gaarayo arintaasi.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa yiri “Dowlad goboleedka Jubbaland iyo shacabka halkaasi ku dhibaateeysan waa isku dareen.”

Waxa uu xusay in madaxda dowladda dhexe iyo dowlad goboleedka Jubbaland ay dabayaaqada sanaddii tagtay ay tageen darbiga uu muranka ka taaganyahay, isagoo sheegay in la rabay in dowladdu arintaasi dabagal ku sameeyso oo ay guddi u saarto.

“Waajibaadka xuduudda dowladda federaalka ayaa iska leh, waad ogtihiin in aan wafdi ballaaran oo ka kooban dowladda dhexe iyo dowlad goboleedka Jubbaland ku tagnay Baladxaawo, waxay ahayd in guddi la qabto arimahaana dowladda Kenya lagala xaajoodo, dhinaca dowladda dhexe ayay arintaasi ka biyo deeysay,” ayuu madaxweyne kuxigeenka hadalkiisii raaciyay.

Waxa uu xusay in arrintan ay ka wada hadleen madaxda labada dal, xal deg-deg ahna laga gaari doono, isagoo shacabka ugu baaqay in ay is dajiyaan oo ay ka war sugaan madaxda qaranka.

Bulshada Soomaaliyeed ayaa mudooyinkii u danbeeyay hadal heeysay arinta darbiga ay Kenya kula xireeyso Baladxaawo iyo Mandheera, ayadoo ay qeybo ka tirsan gobolka Gedo ka dhaceen dibadbaxyo looga soo horjeedo arintaasi.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.