4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 26, 2018
Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada hadlaya xiisada degmada Beled-Xaawo

 

Isniin, Maarso, 26, 2018 (HOL) - Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka wada hadlaya xiisada ka taagan magaalada Beledxaawo ee la xiriirta xudduuda labada dal, si loo dhameeyo khilaafka ka taagan.

Guddiga difaaca Baarlamaanka ayaa sheegay kulan ay la qaateen ra’iisul wasaare Khayre looga dooday xaalada ka jirta degmada Baled-Xaawo iyo xad gudubka lagu eedeynayo Kenya. sameysay.

Xildhibaanka ayaa sheegay in sheegay in wasiirrada  arrimaha Dibbad iyo Gudaha in dhigooda Kenya ay kala hadlaan arrintan, islamarkaana sida ugu dhaqsiyaha badan howshaa loo guda-gali doono.

Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo ka tirsan guddiga difaaca ee loo xil saaray arrintan ayaa sheegay in ay ka shaqeyn doonaan sidii warbixin xaqiiqo ah looga soo gudbin lahaa xiisada ka taagan Beledxaawo.

“Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ayuu ra’iisul wasaaraha ku amray in dhigooda ay kala hadlan xiisada ka taagan Beledxaawo, runtii Xukuumadda arrintan xil weyn ayay iska saareysaa, waana muhiim arrintan in wax badan laga qabto” ayuu yiri xildhibaan Warfaa.

Xildhibaannada Aqalka Sare oo maalin kahor kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa codsaday in si deg deg ah loogu yeero Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, sida Wasiirada Arrimaha Gudaha, Amniga, Difaaca iyo Arrimaha Dibadda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]