4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 25, 2018
Muuse Biixi oo khudbad u jeediyay labada Gole ee Somaliland

 

Axad, Maarso, 25, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta khudbad sanadeedkii Dastuuriga ahaa ka jeediyey labada gole Baarlamaan (Guurtidda iyo Wakiiladda), waxaanu khudbadiisa xooga saaray Amniga, Siyaasadda Arrimaha Dibadda, Kaabayaasha Dhaqaalaha, arrimaha Bulshadda, maamul wanaaga iyo maamul daadajinta, Garsoorka iyo cadaaladda, abaaraha isbedelka cimiladda, doorashooyinka iyo warbaahinta.

Madaxweynuhu wuxu sheegay in boqokii cesho u horeeyey oo shalay ku beegnayd ay u suuro-galeen wax-yaalo badan oo uu ka tilmaamay in uu hagaajiyey nidaamka maamul iyo haygalkii dawladnimo, dardar-galinta Heshiiska Dekedda Berbera, oo saamayn weyn ku yeellan doona dhaqaalaha iyo ganacsiga Somaliland.

Madaxweynuhu mar uu ka hadlayey kufsiga sii badanaya waxa uu yidhi “ Sannadkii 2017-kii oo kaliya waxa dalka ka dhacay 80 Kufsi, oo ay gaysteen 100 eedaysane. Inta badanna eedaysanayaasha gaysta dhaqankan xun ee innagu soo kordhay, waa dhallinyaro waxma garata ah. Waxaynu ka galeynaa dagaal adag sidii aynu u-tirtiri lahayn..”

Mar uu ka hadlayey xidhiidhka uu la sameeyey dalalka jaarka waxa uu yidhi “Waxaannu isla garanay in la sii xoojiyo xidhiidhkeena dhinacyada Amniga, Ganacsiga iyo dhaqan-dhaqaale. Waxa kale oo aannu si cad u gadhsiiney in Somaliland tahay dal buuxiyey shuruudihii Qarannimo. Sidaa darteed, ay xaq u leedahay in la ictiraafo. Waxaannu uga mahad-naqaynaa Itoobiya, Jabuuti iyo Imaaraadka Carabta sidii sharafta lahayd ee ay u qadariyeen iyo milgaha ay siyeen waftigeenii.”

“Dawladda Imaaraadka Carabta, Madaxdooda iyo shacabkoodaba waxaan uga mahadnaqaynaa hiilkii badheedhka ahaa ee ay isla garab taageen shacbiga Somaliland. Iyaga oo warbaahintoodu gaadhsiisey Caalamka oo dhan taariikhda Jamhuuriyadda Somaliland, Nabadda, dimuqraadiyadda iyo horumarka dhaqaale ee dalkeena ka socdo.”ayuu yidhi.

Mar uu ka hadlayey wada hadaladda Somaliland iyo Soomaaliya waxa uu yidhi “Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaliya oo markii hore la qorsheeyey iney bilaabmaan 19-kii March, 2018, waanu joojiney, sababta oo ah Xukuumadda Muqdisho ayaa weerar qaawan ku soo qaadey Qarannimaddeena.

Nimanka Muqdisho jooga ee weerarka qaawan soo qaaday, sharciyan Caalamka oo dhan baa og in aynaan shaqo ku lahayn waxa ay dhisteen. Xasan Sheekh Maxamuud waxa doortay wufuud ka kala socotay afar Maamul-goboleed, halka Farmaajo ay doorteen ergooyin ka yimid lix Maamul-goboleed. Somaliland, ilaa 1991-kii, marna waxa halkaa ka socda shaqo kuma lahayn, caalamkuna wuu og-yahay.”.

Sidoo kale waxa uu sheegay in miisaanida sanadkan ay noqon doono mid horumarka ka turjuntay, isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Miisaaniyadda 34% waxaannu u qoondaynay horumarinta dalka. Waxaannu xoojinaynaa awoodda Baanka Dhexe ee Dalka. Adduunka dal walba waxa maamula lacagta dalka Baanka Dhexe. Baanka Dhexe waxa uu masuul ka yahay sarifka lacagaha qalaad, wuxuu ilaaliyaa dhaqaalaha guud ee dalka, wuxuu ogolaadaa dhismaha baananka gaarka ah iyo kuwa dawladda ee qaabilsan dhinacyada ganacsiga, amaahda, iyo horumarka.

Cashuurtu waa laf-dhabarta dawladnimada. Sidaa darteed, waxa waajib ah in ay bixiso cid kasta oo ay cashuuri ku waajibtay. Si aynu awood ugu yeelano in dakhliga iyo baahida dalku isu daboolaan, waa in la helo cashuur dhammaystiran. waxaannu ka dagaalamaynaa in la musuqo iyo in looga faa'iideysto dano gaar ah cashuurta dalka. Waa hawl adag oo u baahan dagaal qadhaadh iyo iskaashi.

Qiima-dhaca Shilinka Somaliland waxa uu culays wayn ku hayaa bulshada, gaar ahaan dadka dan-yarta ah. Sidaa darteed, waxaan u magacaabay Guddi gaar ah xal u helista arrintan. Kadib markay la tashadeen aqoon yahan fara-badan, waxay soo saareen go’aammo aannu u aragney inay wax ka bedeli doonaan qiima-dhaca Shillinka. Fulinta go’aammadaasi waxay bilaabmeen 13-kii March, 2018.

Inta badan hawlaha culus ee la bilaabo, waxa ka soo baxa qodobbo lama filaan ah. Fulintii hawshaa waxa ka soo baxay ruxan sarrifka suuqa ah. Waxa jiray in shirkadaha qaar ay lacag badan oo electronic ah u hayeen macmiishooda. Sidii lacagtaasi ugaadhi lahayd daafaha dalka oo dhan ayaa maalmo jiitantey, waxaan go’aaminey inay arrintaasi xidhanto 26-ka bishan aynu ku jirno. Waxaan aad ugu mahad-naqayaa shirkadaha suuqa sarrifka ku jira oo dhammantood si waddaniyad leh hawshaa noogu garab galay.”.

Mar kale isagoo ka hadlaya codsigii uga yimid xisbiga WADANI ee uu kalsoonidii kala noqday komishanka Doorashooyinka waxa uu yidhi “ Xisbiga Waddani waxa uu ii soo gudbiyey 22-kii March, 2018, qoraal ah codsi xil ka qaadis xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, iyaga oo ku duraaya doorashadii Madaxtooyadda ee ay Guddidu qabatay November 13, 2017-kii.

KDQ waxa ay fuliyeen dhammaan Xeerarkii iyo Hab-raacyaddii sharci ee doorashada. Waxa ay dhiseen dhammaan guddiyaddii iyo xafiisyaddii hirgalin lahaa doorashadda, oo waafaqsan Xeerarka doorashada. Waxa ay ku heleen ammaan iyo bogaadin caalami ah dal iyo dibadba. Waxa u marag-furay KDQ in ay si daah-furan, oo xor iyo xalaal ah u qabteen doorashadii Madaxtooyadda, Goob-joogayaashii Caalamiga ahaa iyo kuwii Maxalliga ahaa.

Sidaa daraadeed, waxaan u arkaa dood xaqiiqda ka fog, sharcigana baal-marsan, oo lagu carqaladaynayo hanaanka geedi-socodka doorashooyinka..”

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.