4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 25, 2018
Qarax culus oo goor dhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Axad, Maarso, 25, 2018 (HOL) - Weerar loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goor dhaw ka dhacay Nawaaxiga Isgoyska Siyadka sida Hiiraan Online u sheegeen goob joogayaal.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa laga maqlayaa rasaas culus oo loo maleenayo in ay ridayaan ciidamada dowlada ee ku sugan Isgooyka.

Wali lama oga khasaaraha uu geestay qaraxan xoogan ee goordhaw dhacay Isgooska Sayidka oo ah halka ay ku taalo xarunta Baarlamaanka, waxaa sidoo kale meel ku dhaw kuyaala Wasaarada Amniga iyo Arimaha gudaha.

Wixii ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]