Axad, Maarso, 25, 2018, (HOL) - Dagaalyahannada fallaagada reer Suuriya iyo
qoysaskooda ayaa billaabay in ay ka baxan saddex magaalo oo ku yaalla bariga
Quuda, waxayna u qaxayaan gobolka Idlib oo ah halka ay ku xooganyihiin.
Daad gureynta dagaalamayaasha mucaaradka ayaa qeyb ka ah heshiis uu
garwadeen ka yahay Ruushka oo lagu samata bixinayo mucaaradka.
Boqolaal qof ayaa lagu dilay deeganaadaasi tan iyo intii ciidmmadda dowladda
Suuriya oo taageero ka helaya Ruushka ay bilaabeen duullaan ka dhan mucaaradka
bishii lasoo dhaafay.
Ruushka ayaa sheegay in inkabaan boqol kun oo qof ay ilaa iyo imika laga
samata bixiyay bariga Quuda.
Dowladda Madaxweyne Bashar Al-Asad ayaa dhawaan 13 askari iyo dhowr qof oo
rayid ah ku bedelatay 5 kamid ah askarta mucaaradka.
Ururka Ahrar al Sham ee ka dagaalama Suuriya, kana mid ah kooxha ka
dagaalama bariga Ghouta ayaa ogolaaday inay hubka dhigaan, si ay u helaan marin
ay uga baxaan bariga Ghouta.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]