3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 24, 2018
Dagaal ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ku dhaxmaray deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan

 

Sabti, Maarso, 24, 2018 (HOL)–Ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM oo wata gadiidka dagaalka ayaa subaxnimadii hore ee saakay ka anbabaxey magaalada Beledweyne,kuwaa oo ku wajahan degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan, iyaga oo sii maraya deegaannada ay gacanta ku hayaan Al-shabaab.

Howlgalkan oo uu horkacayo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeynte Cismaan ayaa noqonaya mid ka mid ah howlgaladii ugu adkaa oo ciidamada dowladda iyo AMISOM ka sameeyaan deegaannada ay ku xoogan yihiin Al-shabaab.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dagaal culus uu dhaxmaray ciidamada dowladda iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo isku dayay in ay is hortaagaan socdaalka iyo howlgalka ciidamada, waxaana wararku sheegayaan in dagaalka uu sababay khasaare ballaaran oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Saraakiisha ciidamada militariga gobolka Hiiraan ayaa sheegay in howlgalka yahay mid la doonayo in lagu furo jidadka ay xirteen Al-shabaab si go’doonka loo qaado magaalooyinka ay gacanta ku heyso dowladda gaar ahaan Buula-burte.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
3/24/2018 1:50 PM EST
Sabti, Maarso, 24, 2018 (HOL)–War-saxaafadeed ka soo baxay midowga Bankiyada Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in la mideeyay guud ahaanba Bankiyada oo ku midoobey hay’ad kaliya.

3/24/2018 10:47 AM EST
Sabti, Maarso, 24, 2018 (HOL) – Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici ayaa ka hadlay waraaqdii ay usoo gudbiyeen xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ee ay kalsoonidda kaga noqdeen Guddida doorashooyinka iyo aragtida uu arrintaasi u arko.

3/24/2018 10:05 AM EST
Sabti, Maarso, 24, 2018 (HOL)–Xildhibaannada Aqalka sare ayaa kulankoodii maanta dood adag ka yeeshay xiisada ka taagan degmada Beled-Xaawo ee u dhaxeysa bulshada ku dhaqan degmada ciidamada Kenya.

3/24/2018 7:29 AM EST
Sabti, Maarso, 24, 2018 (HOL)-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kulankii maanta ee Golaha yeesheen ka dhax sheegay in ay dalbadeen ciidamo AMISOM ah oo suga Amniga golaha

3/24/2018 4:56 AM EST
Sabti, Maarso, 24, 2018 (HOL)- Dowladda Congo ayaa ku eedeysan Qaramada Midoobey in ay sawir qaldan ka bixineyso dalka, sidoo kalana arintaa caqabad weyn ku noqon karto maalgashi lagu sameysto dalkaas.

3/24/2018 4:50 AM EST
Sabti, Maarso, 24, 2018 (HOL)-Waxaa Todobaadkan magaalada Qaahira ee dalka Masar lagu soo gaba-gabeeyay bandhigga dhaqannada Aradyda wax ka barata Dalkaasi oo ay Soomaalidana qayb ka tahay.

3/24/2018 2:07 AM EST
Sabti, Maarso, 24, 2018 (HOL)–Waxaa soo baxaya eedeymo culus oo shacabka ku dhaqan degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo u jeedinayaan dowladda Kenya, kaddib xiisad ka dhalatay darnbi Kenya ay ka dhiseyso xadka ay la wadaagto Soomaaliya.

3/24/2018 1:35 AM EST
Sabti, Maarso, 24, 2018 (HOL) –Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay xarunta madaxtooyada Soomaaliya kulan kula qaatay Wasiirro iyo Xildhibaanno ka kala tirsan labada Gole ee dowladda, isaga oo ka kala hadlay xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay mooshinka, guddoomiyaha Golaha Shacabka.

3/24/2018 1:11 AM EST
Sabti, Maarso, 24, 2018 (HOL) -Waxaa sii xoogeysanaya doodda ka taagan halka ay ka dhaci doonto codeynta mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo aad moodo in ay siweyn ugu kala aragti duwan yihiin xildhibaannada iska soo horjeeda.

3/24/2018 1:06 AM EST
Sabti, Maarso, 24, 2018 (HOL)-War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo loogu diray Xog-hayaha Guud ee Jaamacadda Carabta.

3/24/2018 1:02 AM EST
Sabti, Maarso, 24, 2018 (HOL)-Kulan maanta xaruntooda magaalada Muqdisho ay ku yeelanayaan xubnaha Aqalka sare ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay guddi u saaraan kiiska weerarkii lagu qaaday horaantii sanadkan Guriga Sanator Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid