4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 24, 2018
Aqalka sare oo dalbaday ciidamo AMISOM oo suga Amnigooda


Sabti, Maarso, 24, 2018 (HOL)-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee  Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kulankii maanta ee Golaha yeesheen ka  dhax sheegay in ay dalbadeen ciidamo  AMISOM ah oo suga Amniga golaha

Guddoomiyaha ayaa sheegay in arrintan ay muddo soo socotay, isla markaana horay codsi ugu direen AMISOM, kana soo jawaabeen sida uu hadalka u dhigay.

“Aqalka Sare go’aan ayaa ka gaaray arintan oo uu la leeyahay waa in la keenaa AMISOM, qoraal baan u dirnay, waana naga soo aqbaleen, waa sugeynaa”ayuu ka hor sheegay golaha  Cabdi Xaashi.

Ammaanka Xarunta Aqalka sare ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamada Nabad-sugida Qaranka, waxaana haddii AMISOM la wareegaan ammaanka xaruntan ka mid noqoneysa meelaha ay ammaankooda gacanta ku hayaan.

Xarunta Aqalka Sare ayaa ku taal degmada Shibis, gaar ahaan xaruntii Kuleejo Nouve Somalo ee agagaarka KM-0, kuna dhow xarunta dhexe ee nabad-sugida Qaranka.

Codsiga Aqalka sare ee ah la sugo la soo diro ciidamo suga Amniga golaha ayaa imanaya xili xasarad adag ay ka dhax jirto xildhibaannada Golaha Shacabka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]