4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 24, 2018
Xiisad wali ka taagan darbiga Kenya ay ka dhiseyso xadka ay la wadaagto Soomaaliya

 

Sabti, Maarso, 24, 2018 (HOL) –Waxaa soo baxaya eedeymo culus oo shacabka ku dhaqan degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo u jeedinayaan dowladda Kenya, kaddib xiisad ka dhalatay darnbi Kenya ay ka dhiseyso xadka ay la wadaagto Soomaaliya.

Qaar ka mid ah dadka deggan Beled Xaawo ayaa ku eedeynaya Kenya in ay dooneyso in ay la wareegto dhul ka tirsan Soomaaliya.

nayaa sidoo kale sheegay in maalintii Jimcihii shalay ciidamada Kenya rasaas iyo sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsadeen shacabka ka soo horjeeda darbiga la dhisayo.

Laakiin dowladda Kenaya ayaa in muddo ahba arrintaasi beeninaysay, iyada oo sheegtay in ay adkeynayso amnigeeda, islamarkaana aysan u socon dhul ka baxsan Kenya.

Guddoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Maxamuud Maxamed ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya in ay xiisada soo fara-galiso, isaga oo sheegay in sarkaakiisha Kenya sheegeen in amarka darbiga lagu dhisayo uu bixiyay madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Waxaa uu beeniyay guddoomiyaha in ay jiraan dad falal amaan darro ka geystay Kenya oo ka tallaaba dhinaca xadka degmada Beled-Xaawo, isaga oo sheegay in Amaanka deegaannadaasi yahay mid sugan.

Ilaa iyo hadda dowladda Soomaaliya kama aysan hadal cabashada shacabka ku dhaqan degmada Beled-Xaawo oo sheegaya in dhismaha darbigan u soo gaaray bartamaha degmada boqolaal guryo Soomaaliyeed ahna gudaha u galleen xadka Kenya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]