Madaxweyne Farmaajo oo xiisada siyaasadeed kala hadlay Wasiirro iyo Xildhibaanno
Sabti, Maarso, 24, 2018 (HOL) –Madaxweynaha dowladda
Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay xarunta madaxtooyada
Soomaaliya kulan kula qaatay Wasiirro iyo Xildhibaanno ka kala tirsan labada
Gole ee dowladda, isaga oo ka kala hadlay xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay mooshinka,
guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Madaxweynaha oo tan iyo markii uu khilaafkan soo
ifbaxay aan si toos uga hadlay ayaa kulamo hoose la yeelanaya mas’uuliyiinta ay
arintan quseyso, gaar ahaan xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo Xildhibaannada, isaga
oo dalbanaya in khilaafka lagu soo afjaro hab sharci waafaqsan, loona baro
dariiqa uu qabo xeer hoosaadka Baarlamaanka.
Waxaa muuqanaya in madaxweynuhu meel iska taagan
khilaafka ka dhax dhax aloosan Golaha Fulinta iyo Sharci dajinta, isaga oo
dalbanaya in mar walba la ilaaliyo sharciga iyo nidaamka.
Madaxweynaha ayaa horay kulamo arintan ku saabsan
ula yeeshay Guddig ka socday Aqalka Sare, Guddi ay iska soo xuleen haweenka xildhibaannada ah
ee ku jira Golaha Shacabka, Ra’iisul wasaaraha, Guddoomiye Jawaari iyo xubno
kale, wuxuuna dhamaan dhinacydan u xaqiijiyay madaxweynaha mowqifkiisa la
xiriira mooshinka.
Xildhibaannadii la kulmay madaxweynaha qaarkood
ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in uu kala
hadlay oo kaliya in khilaafka taagan lagu dhameeyo hab waafaqsan dastuurka iyo xeer-hoosaadka Baarlamaanka,
taasoo muujineysa in dariiqa furan uu yahay kaliya in cod lagu kala baxo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]