Faah faahin Qarax sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Muqdisho
Khamiis, Maarso, 22, 2018 (HOL) -Weerar
loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goor dhaw ka dhacay
nawaaxiga hotelka Weheliye ee magaalada Muqdisho.
Warar hor dhac ah oo soo gaaraya Hiiraan Online ayaa sheegay in qaraxa
lagu bartilmaameedsaday goob dad badan ku shaahayeen, waxaana jira khasare baaxad leh oo ka dhashay qaraxan.
Ugu yaraan 14 ruux ayaa la rumeysan yahay in ay qaraxan ku dhinteen kuwaas oo u badnaa dad ka ag dhawaa goobta qaraxa uu ka dhacay.
Waxaa sidoo kale jira dad badan oo qaba dhaawacyo kala duwan oo la dhigay goobaha caafimaadka magaalada Muqdisho, kuwaa oo qaarkood la leeyahay waxaa soo gaaray dhaawacyo culus.
Hotel Weheliye ayaa ku yaala Waddada Maka Al-Mukarama oo
ka mid ah jidadka ugu mashquulka badan caasimada, waxaana ku yaala goob ganacsi
haba ugu badnaadeen Hotellada ugu caasan magaalada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]