Hargeysa:Xukuumadda iyo Shirkadda TELESOM oo isla qaatay joojinta isku bedelka lacagta Mobile-ka dhexdiisa
Khamiis, Maarso, 22, 2018 (HOL) - Baanka dhexe ee Somaliland iyo
Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM ayaa maanta soo afjaray jahawareer ka taagna
suuqa sarifka iyo lacagta Mobile ka lagu shubto oo ganacsatada qaarkood diideen
inay wax ku iibsadaan.
Baanka
dhexe ayaa sheegay in muddo shan cisho la siiyey in lagu joojiyo lacagta
Sarifka ah ee shirkadda TELESOM ku soo kordhisay adeegeedda, taas oo
ay si weyn uga cawdeen ganacsatadda yaryar ee sarifka ka shaqaysta.
Agaasimaha
Baanka dhexe Somaliland Cabdilaahi Xasan oo ka hadlaya
qodobada ay isku afgarteen shirkadda TELESOM, waxaanu yidhi “waxaanu isla
afgaranay in qodobka ugu weyn ee ahaa isku bedelka Zaadka ee sarifka la joojiyo
muddo shan cisho ah oo ka bilaabmaysa maanta oo ah March 22, kuna eeg 26-ka,
waxa la isla qaatay in adeegaasi uu ku dhamaaado mudadaasi oo lagu wareejiyo
sarifleyaashii, shirkadaasi waxay balanqaaday dadkii hore uga ganacsan jirtay
Sarifka in lagu wareejiyo, waxa kale oo isla qaaday in kor loo qaado
isticmaalka lacagta Shiling Somaliland, iyado sharci daro tahay in laga soo
horjeesto wax ku iibsiga lacagta Electronica oo cidii diida sharcigu qabanayo”.
Madaxa
suuqgeynta ee shirkada TELESOM Cabdisalaan Ismaaciil Muuse oo isna
halkaasi ka hadlay waxa uu yidhi “waxaanu dawlada la qaadanay in adeega isku
bedelka lacagta oo aan ugu tallogalnay in dadkii lacagta ugu jirtay boqolka
doolar wixii ka yar ugu jirtay inay ku bedeshaan Shiling Somaliland, waxaanu
balanqaadayna in kor u qaadi doonna lacagta dalka haday tahay lacagta
Electronica ah iyo ta Moodhadhka ahba, waana wada shaqayn doona wada shaqaynta
Baanka dhexe oo wax wal oo kor loogu qaadayo lacagteena ka wada shaqayn doona”.
Arrintan
ayaa soo afjaray khilaaf ka taagna wax ku iibsiga lacagta Electrooniga ah ee
Shiling Somaliland iyo in shirkadda Mobileka dhexdeeda lagu dhex sarifto
lacagta dollar ah ee kugu jirto, taas oo ganacsatada ka shaqaysta
sarifka ay si weyn uga soo horjeesteen.
Barkhad-ladiif M.
Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa,
Somaliland.