4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 22, 2018
Puntland oo lagu xirxiray dhalinyaro falal amaan darro ku howlaneyd

 

Khamiis, Maarso, 22, 2018 (HOL) - Wararka ka imanaya magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in ciidamada nabad-galyadu gacanta ku dhigeen dhalinyaro falal amaan darro ku howlaneyd.

Faarax Cabdiraxmaan Warsame oo ah Taliyaha qaybta Booliska ee gobolka Nugaal ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen ciidamada lagu soo qab qabtay dhalinyaro dhibaato amaan xumo ku hayay bulshada ku dhaqan gobolka.

Taliyaha ayaa intaa ku daray in dhalinyaradan qaarkood markii la waayay oo ay baxsadeen ciidamadu ay soo xireen waalidiintii dhalay si ay u keenaan dhalinyaradaasi falalka noocaas ah ku kacaysa.

Wuxuu faah faahin ka bixiyay taliyaha Gabar yar oo habeen ka hor kufsi Wadareed loogu gaystay Togga Wayn ee dhexmara magaalada Garoowe, isaga oo sheegay in gabadhaas dhalinyaro ka kaxeysteen xaafaddii ay daganayd, waxaana uu sheegay in qaar ka mid ah raggii falkaasi sameeyay ay ciidamadu gacanta ku soo dhigeen.

Taliyaha ayaa ugu danbeyntii ugu baaqay waalidiinta dhalinyarada dhaca, dilka iyo kufsigaba ka gaysanaysa Magaalada Garowe ugu baaqay in ay ubadkooda ogaadaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]