3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 22, 2018
Afar ruux oo shacab ahaa oo lagu dilay deegaanka Laanta-Buuro ee gobolka Shabeellaha Hoose

 

Khamiis, Maarso, 22, 2018 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Laanta Buuro ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in koox dabley ah halkaa ku dileen Afar ruux oo rayid ah, qaar kalana afduubteen.

Dadkan ayaa lagu waramayaa in ay la socdeen gaari kuwa rakaabka qaad ah oo dableydu ay ka leexsadeen Waddada iyaga oo intaa kaddibna dilay Afar ruux oo ka mid ahaa dadkii gaariga la socday, sida ay warbaahinta u sheegeen dad ku sugan deegaanka uu falku ka dhacay.

Arrintan ayaa la xiriirinayaa dil habeen hore qof dumar ah loogu geestay gobolka Shabeellaha Hoose oo bilihii uu danbeeyay ay ka jirtay colaad Qabaa’il ku saleysan.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid ka hadashay dhacdadaan, laamaha amaanka iyo mas`uuliyiinta gobolkaba.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
3/22/2018 4:50 PM EST
Khamiis, Maarso, 22, 2018 (HOL)-Sarah Maxamed Khaliif oo ah gabar asalkeedu Soomaali yahay ayaa u tartameysa kursiga golaha deegaanka magaalada Leuven ee dalka Belgium-ka .

3/22/2018 4:10 PM EST
Khamiis, Maarso, 22, 2018 (HOL)-Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya khasaaraha Qaraxii cuslaa ee maanta ka dhacay hotelka Weheliye e magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in tirada dhimashadu gaartay 17 ruux.

3/22/2018 10:43 AM EST
Khamiis, Maarso, 22, 2018 (HOL)-Weerar loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goor dhaw ka dhacay nawaaxiga hotelka Weheliye ee magaalada Muqdisho.

3/22/2018 10:04 AM EST
Khamiis, Maarso, 22, 2018 (HOL)-Weerar loo adeegsaday gaari walxaha qarxa lagu soo raray ayaa goor dhaw ka dhacay nawaaxiga hotelka Weheliye ee magaalada Muqdisho.

3/22/2018 9:49 AM EST
Khamiis, Maarso, 22, 2018 (HOL)-Kulankii khamiislaha ahaa ee golaha wasiirada dowladda Soomaaliya oo uu shir gudoominayay raysul wasaaraha dalka ayay ku meelmariyeen heshiisyo ay dowladda Soomaaliya la gashay Turkiga.

3/22/2018 9:41 AM EST
Khamiis, Maarso, 22, 2018 (HOL)-Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa sheegay in kalsoonidii kala noqday Guddida doorashooyinkii Somaliland,isla markaana soo jeediyey in la kala diro komishankaasi.

3/22/2018 9:34 AM EST
Khamiis, Maarso, 22, 2018 (HOL)-Baanka dhexe ee Somaliland iyo Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM ayaa maanta soo afjaray jahawareer ka taagna suuqa sarifka iyo lacagta Mobile ka lagu shubto oo ganacsatada qaarkood diideen inay wax ku iibsadaan.

3/22/2018 7:39 AM EST
Khamiis, Maarso, 22, 2018 (HOL)-Afar ruux oo sida la sheegey ku socdaalayay gaari nooca NOHA-da ah ayaa lagu waramayaa in ay sun ku buufiyeen haween ka shaqeynayay howlo nadaafadeed degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.

3/22/2018 5:47 AM EST
Khamiis, Maarso, 22, 2018 (HOL)-Wararka ka imanaya magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in ciidamada nabad-galyadu gacanta ku dhigeen dhalinyaro falal amaan darro ku howlaneyd.

3/22/2018 3:42 AM EST
Khamiis, Maarso, 22, 2018 (HOL)-Mark Zuckerberg oo aasaasay Facebook ayaa qirtay in barta ay bulshadu ku xiriirto ay “khalad samaysay” taasina ay horseeday in shirkad samaysa latalin dhanka siyaasadda ah ay hesho xogta shaqsiga ee macaamiisha Facebook.

3/22/2018 3:10 AM EST
Khamiis, Maarso, 22, 2018 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ka qeybgalay Shir madaxeedka tobanaad ee gaarka ah ee Madaxda iyo Hoggaamiyeyaasha Afrika ee ku qabsoomay Magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda, kana wakiil ahaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah Madaxda ka qeybgashay shirkaasi.

3/22/2018 2:23 AM EST
Khamiis Maarso, 22, 2018 (HOL) – Todabaadkaan ayaa magaalada Aukland ee Dalka New Zealnad waxaa lagu qabtay xaflad lagu daahfuray masjidkii ugu horreeyay oo ay yeeshaan jaaliyadda soomaaliyeed ee ku nool magaaladaan. Masjidkan Cusub oo ku yaala xaafada Mount-Roskill ayaa lagu magacaabay New Zealand Islamic Cultural Trust Community Center.

3/22/2018 2:19 AM EST
Khamiis, Maarso, 22, 2018 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in hogaamiyayaal ka tirsanaa Ururka Al-shabaab isku dhiibeen ciidamada dowladda ee ka dagaaalama gobolka.

3/22/2018 2:12 AM EST
Arbaco, Maarso, 21, 2018 (HOL)–Askarigii Soomaaliga American ka ahaa Maxamed Nuur oo Talaadadii dhawayd lagu xiray gobolka Minnesota dagmada Hennapin ayaa shalay oo Arbaco aheed fiidnimadii ka soo baxay xabsiga, kadib markii la gu damiiintay hanti dhan $400,000.

3/22/2018 2:07 AM EST
Khamiis, Maarso, 22, 2018 (HOL)-Shirka Wasiirada Bariga Afrika dalalka Urur Goboledka IGAD ayaa maanta oo Khamiis ah waxaa lagu wadaa inuu ka furmo Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

3/22/2018 1:50 AM EST
Khamiis, Maarso, 22, 2018 (HOL)–Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Ibraahim Muudeey ayaa fariin u diray xildhibaannada fasaxa ku maqan ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo dhawaan la filayo in cod la galiyo mooshinka ka dhanka ah Prof Maxamed Cismaan Jawaari.