Dowladda Soomaaliya oo martiqaad u fidisay qaar ka mid ah madaxda wadamada Qaarada Africa
Khamiis, Maarso, 22, 2018 (HOL) - Wasiirka
Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ka
qeybgalay Shir madaxeedka tobanaad ee gaarka ah ee Madaxda iyo Hoggaamiyeyaasha
Afrika ee ku qabsoomay Magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda, kana wakiil ahaa
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa
kulamo gaar gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah Madaxda ka qeybgashay shirkaasi.
Wasiir Axmed Cawad Ciise ayaa kulamo natiijo
mira-dhal ah la kala yeeshay Madaxweynayaasha Rwanda Mr. Paul Kagame, Kenya
Uhuru Kenyatta, Djibouti Ismail Omar Guelleh, Sudan Mr. Omar Hassan Ahmad
Al-Bashir, South Africa Mr. Cyril Ramaphosa, Gabon Mr. Ali Bongo Ondimba, Chad
H.E. Mr. Idrīs Daybī Itnū, Ghana H.E. Mr. Nana Addo Dankwa Akufo-Addo iyo
Ra’iisul wasaaraha Boqortooyada Morocco H.E. Mr. Saadeddine Othmani.
Axmed Ciise Cawad ayaa u gudbiyay madaxdaasi
salaan uu ka siday Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” , isaga oo
uga sheekeeyay hoggaamiyeyaashaasi horumarka siyaasadeed, dhaqaalle iyo ammaan
ee ay Soomaaliya gaartay muddooyinkii dambe, waxaanu xusay in dowladdu ku
howlan tahay dardargelinta iyo laba-laabidda qorshayaasha dalka loogu
saldhigayo deganaansho ammaan, siyaasad iyo kobac dhaqaalle.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa isaga
oo fulinaya talooyinka wax ku oolka ah ee Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul
wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa waxa uu casuumaado booqasho rasmi ah oo ay ku
yimaadaan Soomaaliya u fidiyay Madaxweynayaasha dalalka Rwanda, South Africa,
Gabon iyo Ghana.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]