4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 22, 2018
Masjidkii Ugu Horreeyay ee Soomaaliyeed ayaa Laga Furay Magaalada Auckland, New Zealand

Khamiis Maarso, 22, 2018 (HOL) – Todabaadkaan ayaa magaalada Aukland ee Dalka New Zealnad waxaa lagu qabtay xaflad lagu daahfuray masjidkii ugu horreeyay oo ay yeeshaan jaaliyadda soomaaliyeed ee ku nool magaaladaan. Masjidkan Cusub oo ku yaala xaafada Mount-Roskill ayaa lagu magacaabay New Zealand Islamic Cultural Trust Community Center.

Kulankaan ayaa waxaa ka soo qayb galay guud ahaan jaaliyadda soomaaliyeed kuwasoo ka kala yimid magaalooyin ka mid ah dalkan New Zealand iyo dalka deriska ah ee Australia. Dhammaan dad weynaha ka soo qayb galay kulankan ayaa wajiyadooda laga dheehanayay farxad iyo reynreen.

Ugu horreyntina waxaa dadka soo dhaweeyay Sh. Uwais Abdirahman Ahmed oo ah imaamka iyo maamulaha masjidkaan cusub, ayaa soo dhaweeyay martida iyo bulshada ka soo qayb gashay xafladaan. “Walaalayaal soo dhawaada, Uwais ayaa yiri. Waxay ii tahay farxad in aad ka soo qayb gashaan daahfurka masaajidkaan cusub ee magaalada Auckland.

Sh. Uwais ayaa in badan ku hawlanaa waqti badanna geliyay sidii jaaliyadda soomaaliyeed ee Aukland ay u heli lahaayeen masjid iyo xarun u gaara ah, taasoo jaalidda u noqon doonta meel ay ku cibaadeystaan ubadkoodana ay ku ababiyaan. Sidoo kale, Sh. Uweis waxaa kala qayb qaatay hawshan aqoonyahanno, dhallinyarada iyo qayb ka mid ah waalidiinta reer Auckland. Mohmed Warsame Dhooley oo ka mida waalidiinta iyo odayaasha magaalada, ayaa ugu baaqay Bulshada Soomaaliyeed inay ka wada qeyb qaataan sidii loo horumarin lahaa Masaajidkaan. “Arrintan waa mid nagu cusub”, Dhooley ayaa yiri. “Waxaan se u baahanahay in hawshaan aanu ka wada qayb qaadano oo aanay loo kala harin”.

Dhismahan oo ah sadex dabaq, ayaa ka kooban masjid kala ah qaybta ragga iyo qaybta dumarka, fasallo, xafiisyo iyo goob lagu qabsan karo shirarka. Waxa masaajidkan uu ku yaalaanaa meel istiraatiiji ah una dhaw xaafadaha Soomaalidu ay deganyihiin.    

Madaxa booliska degmada laga furay masjidkaan Rob ayaa ka soo qayb galay kulankaan, isaga oo ka hadlaya manaasabadan ayaa waxa uu cabbiray dareenkiisa ku aadan furitaanka masjidkan waxa uuna yiri, “arintani waa arrin lagu farxo”, Rob oo sii wata hadalka ayaa ku daray, “karti iyo isku filnaansh weyn ayaana ka muuqato, meeshii aad dawladda wax weydiisan lahaydeen ayaan isku tashateen oo aad dhisateen xarun idinka iyo annagaba na wada anfaci karti”.

Dhallinyarada soomaaliyeed ee ku nool magaaladan Aucklanad ayaa ku jirta xaalad ciriiri ah iyo kala firirsanaan baahsan. Waxa ayna baylaha u yihiin khataraha badan ee qabsada dhallinyarada muslimiinta ee qurbaha. Haddaba, dhibaatooyinka haysta lana rejeynayo inay ka baxaan waxaa ka mid ah la’aanta xarun iyo goob ay isugu yimaadaan guud ahaan, gaar ahaan goorta xafladaha iyo astaamaha waa weyn ee muslimiinta jaaliyaddu ay soo bandhigayaan, sida munaasabadaha la isugu yimaado ee ramadaanka, ciidaha iyo aroosyada oo da’yartu ayaamahaan dambe ay aad u daneeyaan. 

Hogaamiyaasha jaalidda ayaa qorshaynaya in ay ka dhex abuuraan xaruntan xafiis odayaashu ay isugu yimaadaan oo ay ku falanqeeyaan talooyinka iyo masiirka mustqabalka jaaliyaddaan caddad ahaan kooban, isla markaasna ku kala aragti duwan siyaaba kale.

Faadumo Ali Dalab oo ah hogaanka dumarka soomaalida ku dhaqan magaaladaas ayaa maamulka ka codsatay in xaruntan cusub loo ogolaado in ay ku dhigtaan kulanka sanad laha ah ee mawliidka kaas oo muslimiinta qayb ka mid ah ay ku xusaan dhalashadii nabiga S.A.W. Faadumo ayaa ku culus soomaalida reer New Zealand una ololeysa arrimaha muslimiinta gobolkaas.

Bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkan New Zealand ayaa u badan dad wadankan ku noolaa muddo ka badan 20 sano. Waxa ay leeyihiin dugsi ay dhisteen oo ardada quraanka lagu baro iyo macalimiin arrintaas u heellan. Sikastaba, xaruntan ayaa noqonaysa masjidkii ugu horreysay oo ay yeeshaan tan iyo markii ay yimaadeen dalkan.

Isku soo duube, arrintan ayaa muujinaysa in jaaliyadda soomaaliyeed ee New Zealand ay tashteen tilaabo weynna ay u qaadeen dhinaca horumarka, taasoo micnaheedu yahay in mooraalkoodu kor u kacay ayna ka xoroobeen xarumihii martida ay ku ahaayeen.

Mohamud Dulyadeyn
Hiiraan Online
Twitter: @Dulyadeyn
Auckland, New Zealand.