4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 21, 2018
Ganacsatadda qaarkood oo joojiyey adeega wax lagaga iibsado ee lacagta Mobile lagu shubto

 

Arbaco, Maarso, 21, 2018 (HOL) - Suuqyadda magaaladda Hargeysa waxa ka jira jahawareer uu sababay lacagtii Mobiladda ee loo bedelay Shiling Somaliland ka dib markii dadkii ganacsatadda diideen in wax lacag ah dadka kaga iibiiyaan lacagta Mobile-ka.

Meherada iyo kaalmaha shiidaalka ayaa qaar ka mid ahi joojiyeen in gabi ahaanba wax lagaga iibsado lacagta Mobileka lagu shubto, waxaana arrintaasi sababay ka dib markii kaashkii ku badatay moobilekii ay waayeen meel ay lacagtoodd kala baxaan.

Jahawareerkan ayaa yimid ka dib markii la joojiyey boqol dollar wixii ka yar ee Mobileka lagu shuban jirey in wax lagu kala iibsado,isla markaana loo bedelay lacagta wadanka ee SHiling Somaliland, taasina waxay keentay in suuqii uu ku bato lacagtii shilling Somalinad oo la waayaba lacagtii dollarka ahayd, waxaana shirkadihii adeegan lahaa iyaguna ku adkaaday inay lacagta badan ee Mobileka ku jirta ay ka saaraan.

Dhinaca kale, ganacsadii sarifleyaasha ayaa si weyn uga soo horjeestay adeega cusub ee shirkada Telesom bilowday ee mobileka lagu dhex sarifanayo lacagta kugu jirtay, taas oo ay sheegeen in shaqadoodii ay kala wareegayso, taasina waxay keentay in lacagtii doolar ee ay hayeen ay xaraystaan,isla markaana joojiyaan in lacagta Mobile ka ku jirta ay dadka uga saaraan.

Arrintan cakiran ayaa saamayn ku yeeshay shacabkii,isla markaana dadkii adeegan Mobileka lacagta ku shuban jiray ay waayeen meel au lacagtooda kala baxaan, waxaana saacadaha soo socda laga sugayaa xukuumadda inay go’aan kale oo arrintaasay ku furdaaminayso soo saarto.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.