4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 21, 2018
Mareykanka oo duqeyn ku dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

 

Arbaco, Maarso, 21, 2018 (HOL) - Diyaaradaha dagaalka  Mareykanka ayaa lagu waramayaa in ay duqeyn ay ka geysteen gobolka Shabeellaha hoose waxaa lagu waramayaa in ay ku dileen labo xubnood oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaab.

War ka soo baxay taliska Africom ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay labo xubnood oo ka tirsan Shabaab, saddex kalena lagu dhaawacay, sidoo kalana waxaa duqeyntan lagu bur buriyay gaadiid dagaal.

Maalintii Isniintii ayeey la sheegay in ay duqeyntan duqeyntan, waxaana fuliyay diyaarad kuwa aan duuliyaha laheyn.

Mareykanka ayaa sheegay inuu sii wadayo duqeymaha lagu bartilmaameedsanayo argagixisada, kaasoo lagu taageerayo dowladda Soomaaliya, sida lagu yiri war saxaafadeedka.

Deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose ayaa noqotay goobaha ugu badan ee duqeymaha laga fuliyo, waxaana bishii hore kaliya dhacay dhowr duqeyn ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]