4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 21, 2018
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka oo u yaarey xildhibaannada maqan

 

Arbaco, Maarso, 21, 2018 (HOL) - Gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa u yeeray xildhibaannada Soomaaliya ee ku maqan dalka dibediisa, iyadoo dhawaan la filayo in loo codeeyo mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha Baarlamaanka.

Cabdiwali Muudeey ayaa sheegay Xildhibaanada safarada dheer ku maqan iyo kuwa kaleba inuu isugu yeeraayo inay dalka ku soo xaadiraan.

Wuxuu sheegay Xildhibaanada Baarlamaanka in laga doonaayo illaalinta iyo midnimada Golaha Shacabka, maadaama Xildhibaanka uu yahay masuul Qaran.

“Waxaan ugu baaqayaa xildhibaannada maqan in ay deg deg u soo galaan si ay u gutaan waajibaadka dastuuriga ah, qof kasta oo fasax lahaa waxaan ka qaaday fasixii uu lahaa aniga oo ah ku simaha gudoomiyaha baarlamanka ahna gudoomiye ku xigeenka” ayuu yiri Gudoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka.

Shirkan Jaraa'id oo ahaa mid kooban, ma uusan sheegin gudoomiye ku-xigeenka waqtiga loo codeynayo mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha.

Ilyaas Axmed Cilmi, Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia