4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 21, 2018
Warar dheeraad ah oo ku saabsan iska horimaad ka dhacay Muqdisho

 

Arbaco, Maarso, 21, 2018 (HOL)– Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya iska horimaadka ka dhacay Agagaarka Tarbuunka degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo u dhaxeeya ciidamo ka kala tirsan nabad-sugida iyo ciidamada uu tababaro Imaaraadka.

Dadka degmada ayaa sheegay in ay maqlayaan mar marka qaar rasaas culus, wallow hadda xaaladu u muuqato mid degan.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaadka ay ka qeyb qaadanayaan qoryaha ku rakiban gaadiidka dagaalka, taasoo baqdin weyn ku abuurtay dadka degmada.

IsgoyskaTarbuunka oo ah meel aad u mashquul badan oo ay isticmaalaan gadiidka dadweynaha ayaa xiran, waxaana lagu arkayaan oo kaliya ciidamo aad u hubeysan.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha Amniga dowladda oo ka hadlaya Israsaaseynta laga maqlay degmada Hodan.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay iska horimaadka labada dhinac 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]