4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 21, 2018
Saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo lagu qabtay gobolka Shabeellaha Hoose

 

Arbaco, Maarso, 21, 2018 (HOL)–Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyada gobolka Shabeellaha hoose Cabdifitaax Cabdulle ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen ciidamada lagu soo qabtay labo saraakiil oo ka tirsanaa Al-shabaab.

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa saraakiisha la soo qabtay ku kala sheegay C/Kariin Abuu Xamsa oo Al-shabaab u qaabilsanaa maaliyadda Gobolada Banaadir iyo Shabeellaha Hoose iyo Sheekh Muudey oo isna Al-shabaab u qaabilsanaa Amniyaadka

“Sidoo kale guriga aan howlgalka ka sameyney waxaan ka soo qaadnay hub fara badan oo ay ku jiraan kuwa gaadiidka dagaalka lagu xiro iyo qaraxyo ay diyaarinayeen Saraakiisha la soo qabtay” ayuu yiri Cabdifitaax.

Wararku waxaa ay sheegayaan in intii lagu gudajiray howlgalka uu dhacay dagaal kooban oo dhaxmarey ciidamada dowladda iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.

Bilihii ugu danbeeyay gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ka soconayay howlgalo ay iska kaashaanayaan ciidamada dowladda iyo AMISOM oo lagu baahsanayo Al-shabaab, wallow xoogaga Al-shabaab inta badan weeraro ku qadaan fariisimaha labada ciidan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]