4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 21, 2018
Sarkaal Maxamed Nuur oo loo xiray dilka Justine Daimond oo u dhalatay Australia

 

Arbaco, Maarso, 21, 2018 (HOL) –Sarkaal Maxamed Nuur oo ka tirsan Booliiska magaalada Minneapolis ayaa Talaadadii shalay loo xirey in uu ula kac u dilay Justine Damond oo aheyd Haweeney u dhalatay dalka Australia, nin ay saaxiibo ahaayeena kula nooleyd Magaalada Minneapolis.

Sarkaalkan Soomaaliga ah ayaa toogasho ku dilay haweenaydan 15-kii July sanadkii hore 2017-kii, xilligaasi wixii ka dambeeyay waxaa socday Dacwadaha la xiriira falkan.

Xeer Ilaaliyaha degmada ay ku taallo magaalada Minneapolis oo warbaahinta la hadlay ayaa soo bandhigay eedeymo rasmi ah oo uu u jeediyay Maxamed Nuur, oo kala ah dilalka Darajada Saddexaad iyo darajada Labaad, oo hadii lagu helo sarkaalkan ay ka dhalan karto keeni karto xabsi aad u dheer.

Qarreennada u doodaya Maxamed Nuur ayaa aad u beeniyay arrintan, waxayna ku doodayaan in Xeer ilaaliyaha waxyaabaha uu sheegay aanay waxba ka jirin, oo ay yihiin kuwa la isku soo dhoobay.

Soomaalida dalkaasi Mareykanka ayaa siweyn u hadal haya xariga Maxamed Nuur waxayna dalbanayaan in sida saxda ah cadaalad loogu raadiyo sarkaalkan, oo aanay dhicin eexasho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]