4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 20, 2018
Magaalada Kismaayo oo laga dhagaxdhigay xarun loo dhisi doono dhalinyarta Jubbaland


Talaado, Maarso, 20, 2018 (HOL) –Xaruntan oo loo dhisi doono dhalinyarta Jubbaland, islaamrakana noqon doonta madal ay dhalintu ku kulanto  si ay uga qeybqaataan nabadda iyo hourmarka dalka ayaa waxaa si wadjir ah u dhagaxdhigay wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha Jubbaland, wasiirka wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska iyo masuuliyiin kale.

Sidoo kale dhagaxdhigga xaruntan waxaa qeyb ka ahaa wafdi ka socday dowladda Sweden iyo barnaamijka Qaramada Midoobay u qaabilsan Degsiimada Aadanaha ee  UN Hapitat oo iyagu gacan ka geysanaya dhismaha xarunta.

Dhulka laga dhisi doono xaruntan ayaa ku yaal xaafadda Farjanno, waana dhul ay dowlad goboleedka Jubbaland hore uga burburisay guryo ay ka dhisteen dad shacab ah, kadib markii ay dowladdu sheegtay in dhulku ahaa dhul dowladeed oo ay shacabku si sharci darro ah u dhisteen.

Dhismaha xarunta ayaa waxaa maalgelin doonta dowladda Sweden, ayadoo ay fulin doonto hay’adda Qaramada MIdoobay u qaabilsan Degsiimaha Aadanaha ee UN HAPITAT.

Per Karlasson, madaxa Iskaashiga iyo horumarinta dowladda Sweden oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in xaruntan ay tahay mid ahmiyad gaar ah u leh dhalinyarta Jubbaland.

Masuulkan ayaa yiri “Aad baan ugu faraxsannahay in maanta aan magaalada Kismaayo ka dhagaxdhigno xarun loo dhisi doono dhalinyarta, waxaan dooneeynaa in aan si wanaagsan ugala shaqeeyno dowladda Jubbaland sidii loo horumarin lahaa dhalinyarta, si ay doorkooda uga qaataan dib u dhiska Soomaaliyada cusub, nabadda iyo horumarka.”

Wasiirka dhlinyarada iyo cayaaraha Jubbaland Mudane C/waaxid Axmed Yare ayaa dhankiisa  sheegay in xaruntan ay  noqon doonto goob ay dhalinyartu ku kulmaan, lagu tababarro, islamarkaana ay rajeeynayaan in marka dhalintu yeeshaan xarun ay leeyihin ay soo saari doonaan fikrado lagu horumarinayo dalka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
KIsmaayo-Soomaaliya.