4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 20, 2018
Madaxweynaha Turkiga oo u hanjabay Jabhada Kurdiyiinta

 

Talaado, Maarso, 20, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Tukiga Rajep Deyib Erdogan ayaa ku goodiyay in ay ciidamadiisu isbalaarin ku sameyn doonaan goobaha kale ee jabhada Kurdishku ay kaga sugan tahay dalka Suuriya, kaddib markii ay ka sareen degmada Afrin.

Wuxuu sheegay in ay ciidamadiisu bartilmaameed ka dhiganayaan magaalada Manbij iyo Ayn Carab oo sidoo kale loo yaqaan Kobani, iyo magaalooyinka kale oo ku teedsan xuduudka Turkiga ee bariga ka xiga wabiga Yufaretis.

Is-balaarin ay ciidamada Turkidu sameeyaan ayaa waxa ka dhalan kara colaad dhexmarta Turkiga iyo Mareykanka oo labaduba ka wada tirsan isbahaysiga NATO.

Magaalooyinka xuduudka ah ayaa waxaa maamula jabhada Kurdida Suuriya ee ay Mareykanku taageeraan, iyadoo ciidamao Mareykan ahna ay ku sugan yihiin Manbij.

Turkiga ayaa doonaya in Magaalooyinka ka agdhaw xuduuda ay wadaagaan Syria inuu ka sifeeyo dhamaan jabhadaha hubaysan ee dalka Syria ka dagaalama.

Ciidamada Turkiga oo wata dabaabaadka dagaalka ayaa ku sii qul-qulaya Magaalada Afrin oo shalay ay la wareegeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]