Talaado, Maarso, 20, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Maraykanka
Donald Trump ayaa ku baaqay in dil lagu xukumo dadka daroogada ka ganacsada,
arrintaas oo qayb ka ah qorshaha uu wax ooga qabanayo laqabatinka baaxadda leh
ee dadka maraykanku ay ku adeegsadaan xannuun baabi'iyaha.
Qorshahan ayuu hoosta ka xariiqay mar uu khudbad ka jeedinayay New
Hampshire, gobolkaas oo ah mid ay aad u saamaysay arrintaas.
Trump ayaa sheegay in maamulkiisu uu rabo in sharciga la badalo si dil
loogu xukumo dadka daroogada ka ganacsada, laakiin arrintaas wuxuu kala kulmi
doonaa culays dhanka siyaasadda ah iyo mid dhanka sharciyadda ah.
Daroogadan waxaa ka mid ah nooc xannuun baabi'iye loo adeegsado oo
dhakhaatiirtu ay bukaanka u qoraan.
2.4 oo ruux oo Maraykan ah ayaa la rumaysan yahay in ay la qabatimeen
daroogo, mashaakilkaas ayaana sababay in ay u dhintaan 63,600 oo Maraykanka oo
dhan ku kala noolaa sannadkii 2016, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.
Trump ayaa loo sacabotumay Isniintii markii uu deegaanka
Manchester ee New Hampshire ka yiri "haddii aynaan gacan bir ah ku qabanin
dadka daroogada ka ganacsada wakhtiga unbaan iska luminaynaa, gacantaas birta ahna waxaa ka mid ah in dil
toogasho ah lagu xukumo.
Trump ayaa horray u tilmaamay in dadka daroogada ka ganacsada loo
adeegsado ciqaabta "ugu adag" wuxuuna hadalkaas ka jeediyay isu soo
bax ka dhacay Pennsylvania isla bishan.
Xigashada Warkan BBC