4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 19, 2018
Kulan magaalada Muqdisho ku dhaxmaray xildhibaannada saxiixay mooshinka ka dhanka ah Jawaari

 

Isniin, Maarso, 19, 2018 (HOL) – Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa kulan ku yeeshay xildhibaannada saxiixay mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari.

Kulanka ayaa joogay inta badan golaha Wasiirada xukuumadda ra’iisal wasaare Kheyre, waxaana ka mid ahaa Wasiirrada ka qeybgalay kan Maaliyada, Amniga, Gadiidka iyo Duulista Hawada, Dhalinyarada iyo Cayaaraha, Xanaannada Xoolaha, Boostada iyo Isgaarsiinta iyo Wasiiru-dowlayaal.

Kulamadan ayaa qeyb ka ah cadaadis xoogan oo xildhibaannada ku saarayaan Prof Jawaari in uu xilka isaga tago ka hor inta aan mooshinka loo codeyn.

 

Xildhibaannada Baarlamaanka ee ka soo jeeda Koonfur Galbeed ayaa ugu baaqay guddoomiyaha in uusan xilka isaga dego, madaama sida ay hadalka u dhigeen xildhibaannada saxiixay mooshinka ku dhaw yihiin 200 oo mudane.

Laakiin dhinaca kale marka aad eegto guddoomiye Jawaari ayaa ku adkeysanaya in loo codeeyo Mooshinka, waxaana uu meesha ka saaray in uu is casilayo.

Waxaa jiray kulan xalay dhaxmaray madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo guddoomiyaha Baarlamaanka   Prof Maxamed Cismaan Jawaari , iyaga oo ka wada hadlay sida loo wajayo xal u helida Mooshinka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]