4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 19, 2018
Doon ganacsi oo dab ku qabsaday nawaaxiga dekedda Boosaaso

 

Isniin, Maarso, 19, 2018 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in Doon sida shixnad ganacsi ay ku gubaneyso agagaarka Dekeda.

Doontan oo ka timid Imaaraadka Carabta ayaa u rarnaa Ganacsato Soomaaliyeed, waxaana goor dhoweyd laga war helay, iyadoo uu dab qabsaday.

Waxaa soconaya dadaallo la doonayo la doonayo in lagu ceymiyo shixnada saaran Doonta gubaneysa.

Sarkaal sare oo ka tirsan dekadda Boosaaso oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in doontu ay waday Shidaal oo u rarneyd ganacsato Soomaaliyeed.

Magaca doonta ayaa la iigu sheegay Nuur Saabir, waxayna u rarnayd ganacsato reer Puntland ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]