NUSOJ oo u qabanaysa suxufiyiinta Soomaaliyeed tababar kor loogu qaadayo xirfada iyo anshaxa saxaafada
Axad, Maarso, 18, 2018 (HOL) - Tababar soconaya muddo
labo maalmood ah oo loogu talagalay in aqoonta suxfiyiinta Soomaaliyeed
kor loogu qaado ayaa shalay ka furmay magaalada Muqdisho.
Tababarkan
ayaa waxaa soo abaabulay Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ oo
ka helaayo taageero dhaqaale Ururka Suxufiyiinta Adduunka ee IFJ ee xaruntiisa
tahay dalka Belguim. 25 suxufi oo da’ yar ah kuwaasoo sanadihii lasoo dhaafay
kusoo biiray saxaafada ayaa ka faa’ideysanaya tababarkan oo looga hadlayo
xirfada iyo anshaxa saxaafada.
Casharada
tababarkan oo uu bixinaayo suxufiga weyn ee rugcadaaga ah Yusuf Xasan Isaaq
ayaa waxaa diirada lagu saaraya aqoonta aas-aasiga ah ee saxaafada, doorka
saxaafada xorta ah ku leedahay bulshada dhexdeeda, masuuliyada laga doonayo
bahda saxaafada haddii ay ahaan laheyd suxufi ama xarun warbaahineed. Sidoo
kale waxaa xooga lagu saarayaa barashada anshaxa saxaafada ayadoo loo
barbardhigayo dhibaatooyinka dhinaca anshaxa ee suxuifiyiinta Soomaaliyeed soo
wajaha iyo nidaamka caalamiga ah ee u dagsan dhowrista anshaxa saxaafada.
Xoghayaha
Tababara ee ururka NUSOJ Mukhtaar Maxamed Catoosh oo soo abaabulay
barnaamijkaan ayaa sheegay in aqoon la’aanta haysatada suxufiyiinta da’ yarta
ah ay sababto mararka qaar in aan lagu kalsoonaan karin shaqada adag ee hayaan
xitaa haddii ay si daacad ah u gudanayaan waajibaadkooda shaqo ee ay shacabka
ugu adeegayaan.
Xoghayaha
Guud ee NUSOJ Cumar Faaruuq Cusmaan oo ka hadlayay furitaanka tababarkan ayaa
sheegay in saxafiyiin fara badan oo todobadii sano ee ugu dambeeyay soo galay
mihnada saxaafada aysan laheyn fursado wax ku ool ah oo aqoontooda saxaafadeed
kor ugu qaadi karaan, ayna hadda qaar yihiin laf dhabarta warbaahinta ka
howlgasha dalka gudahiisa.
“Suxufiyiinta
Soomaaliya waa geesiyaal u baahan in la awood siiyo aqoon ahaan. Khatarta soo
wajahda suxufiyiinta ayadoo jirto ayay dadaal weyn muujiyaan. Haddii aqoon
dheeraad ah helaana meel sare ayeey gaari lahaayeen.
Balse haddii aynan
suxufiyiintu la imaanin xirfad wanaag, iyo dhowrista anshaxa waa adkaanaysaa in
loo dagaalamo saxaafad xor ah oo madax-banaan. Dalkan waa in uu helaa
suxufiyiin aqoon leh oo aan shaqadooda cidna ugu aabo yeeleynin oo xirfad
ahaana isku kalsoon,” ayuu yiri Cumar Faaruuq Cusmaan.
Guddoomiyaha
Naadiga Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliyeed Nimca Xasan Cabdi ayaa tilmaamtay in
gabdhaha suxufiyiinta ah gaar ahaan kuwa da’ yarta ah ay la kulmaan caqabado
muuqda iyo kuwa aan muuqan kuwaasoo sababo in aysan ka qeyb qaadan fursadaha
tababarada ee ay saxafiyiintu helaan. “Waxaa la joogaa waqtigii ay gabdhaha
suxufiyiinta ee da’ yarta ah ka faa’ideysan lahaayeen fursadahan oo kale,
waxaana ugu baaqaynaa NUSOJ in ay meel saarto mar waliba xaqa gabdhaha suxufiyiinta”
ayay sii raacisay Nimca Xasan.
NUSOJ
ayaa shaaca ka qaaday in dalka ka fulineyso tababaro 8 ah oo is daba yaala
kuwaasoo ka kala dhici doono magaalooyin farabadan oo dalka si loo tababaro ugu
yaraan 200 oo suxufi.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]