4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 18, 2018
Taliyeyaasha Ciidamadda kala duwan ee Somaliland oo u dhoofay Imaaraadka Carabta

 

Axad, Maarso, 18, 2018 (HOL) - Taliyeyaasha ciidamada Somaliland ayaa qayb ka noqday weftiga uu hogaaminayo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo u dhoofay dalka Imaaraadka Carabta.

Taliyeyaasha ciidamada oo kala ah taliyaha ciidanka Militariga, taliyaha ciidanka Booliska, Taliyaha ilaalada Xeebaha iyo Taliyaha ciidanka Asluubta, waxa ku weheliya xubno wasiiro ah oo kala ah wasiirka xanaanada xoolaha iyo Kaluumaysiga, wasiirka Isgaadhsiinta iyo Gudoomiyaha Baanka dhexe, kuwaas oo la kulmi doono madaxda dalka Imaaraadka Carabta, waxaanay wada diyaarin doonaan waxyaabihii uu madaxweynuhu ka dalbaday Imaaraadka inuu u qabto Somaliland.

Weftigan cusub ee ka daba tagay weftigii hore ee madaxweynaha ayaan warbaahinta aan ka hadal, haseyeeshee madaxweyne Muuse Biixi oo jaaliyadda Imaaaraadka Carabta degan kulan la yeeshay ayaa u sheegay in weftigan iminaya ay ku jiraan taliyeyaasha ciidamada kala duwan, kuwaas oo fulin doonaa waxyaalihii ay isku soo afgarteen madaxda sare ee Imaaraadka.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in waxyaalihi uu Imaaraadka kala hadlay ay wada qorsheyn doonaan hay’adihii khuseeyey, waxa kale oo uu sheegay inuu Imaaraadka kala hadlay sidii ay ug caawin lahaayeen in Sucuudigu uu dib u furi lahaa xoolaha nool ee ay joojiyeen iyo in Baasapoorka Somaliland lagu iman karo Imaaraadka.

Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu sheegay in shirkadda DP World kala hadleen in dekada ay libin laabaan intii hore ugu talogaleen inay ku kordhiyaan iyo in wadadda Berbera iyo Itoobiya udhexeysa loo dhisi lahaa si isku socodku u fududaado.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu madaxweynuhu sheegay in waxyaalo badan oo ay kala hadleen Imaaradka Carabta ay dhamaantood la qaateen, isla markaana uu dhowaan la wada fulin doonno qodobadii ay ka wada hadleen.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.