4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 18, 2018
AMISOM oo ka hadashay Amaanka xarunta Golaha Shacabka

 

Axad, Maarso, 18, 2018 (HOL) - Ciidamo ka tirsan howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa maalintii shalay la wareegay AMISOM ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay wararka sheegaya in ay ciidamadooda kala wareegeen kuwa dowladda federaalka ah Amaanka Xarunta Golaha Shacabka.

Afhayeenka howl-galka Lt Colonel Wilson Rono ayaa warar been abuur ku tilmaamay in ay la wareegeen xarunta Golaha Shacabka.

“Waxaan rabaa in aan halkan ka xaqiijiyo arintan xiriir lama laha khilaafka siyaasadeed ee taagn,dad badan ayaa arintan na soo weydiiyay, waa qalad in AMISOM lagu tilmaamay in ay la wareegeen Xarunta Golaha Shacabka’’ ayuu yiri Lt Colonel Wilson Rono

Afhayeenka, waxaa uu sidoo kale sheegay in ay iska caadi tahay in ciidamadooda ay ilaaliyaan xarumaha dowladda “Waxaan ilaalinnaa xarumaha dowladda sida Baarlamaanka, Villa Somalia iyo meelo kale, taasi in ay keentay arrinkan cusub ayaa laga yaabaa.

Ciidamo cusub ayaa shalay la wareegay xarunta Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari guddoomiyaha golaha shacabka ayaa ra’isul wasaare Xasan Kheyre ku eedeeyay in ciidamadiisa la wareegeen xarunta golaha si loo carqaladeeyo shaqada aqalka.

Col. Rono, ayaa sheegay in taallaabadan ay qaadeen ee ah sugida Amniga xarunta uu ka dalbadey guddoomiyaha baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]