3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 17, 2018
Wasiir Khadiija : Wali mooshinka waa sharci waxaana loo gudbinayaa Golaha Baarlamaanka

 

Sabti, Maarso, 17, 2018 (HOL)–Magaalada Muqdisho waxaa maanta kulan ku yeeshey xildhibaannada mooshinka ka keenay guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxaana kulankaa qeyb ka ahaa Wasiiro ka tirsan xukuumadda uu hogaamiyo ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre.

Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha oo kulanka hadal ka jeedisay ayaa siweyn u weerartay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Jawaari, waxaana ay sheegtay in wali mooshinka sharci yahay oo aan laga laaban.

‘’Mooshinkaasi waa gudbay, waa sharci, waxaan leeyahay halagu kalsoonaado, in Jawari uu sheego in mooshinka sharci ahaan uu buray waa nasiib darro, waxey wax u dhimeysaa aqoontiisa, waxey wax u dhimeysaa Diintiisa, waxey wax u dhimeysaa karaamdiisa’’ ayeey khudbadeeda ku sheegtay Khadiijo Maxamed Diiriye.

Wasiirka ayaa sheegtey in mar haddii mooshinka la qabto kaddib cidna ka noqon karin ilaa la geeyo golaha Baarlamaanka lagana doodo.

“184 haddii uu mooshinkaas gaari waayo Jawaari waa gudoomiyaha Golaha Shacabka,laakiin hadii uu gaaro waa wax cad,waxana idin sheegayaa in mudo 15 cisho ah gudahood ay ku soo dooran doonaan Gudoomiye Baarlamaan ‘’ ayeey tiri xildhibaan Khadiijo Maxamed diiriye”

Hadalka Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sii xoojinaya tuhunka la qabo oo ah mooshinka ay gadaal ka riixayaan xubno ka tirsan Golaha Wasiirada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
3/17/2018 2:17 PM EST
Sabti, Maarso, 17, 2018 (HOL)–Hey’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa bayaan ka soo saartay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Baarlamaanka iyo Xukuumadda, iyadoo ku baaqday inay diyaar u yihiin inay dhex dhexaadiyaan dhinacyada khilaafka u dhaxeeya.

3/17/2018 9:12 AM EST
Sabti, Maarso, 17, 2018 (HOL) - Guddida tayeynta shilinka Somaliland iyo la tacaalidda sicir bararka ayaa sheegay in mudadii dheeraadka ahaa ee la siiyey shirkadaha Isgaadhsiinta ee bixiya adeega lacagta lagu shubto Mobile-ka in boqol dollar wax ka yar aan adeegaasi lagu isticmaalin ay kaga eegtahay caawa 12-ka habeenimo.

3/17/2018 9:07 AM EST
Sabti, Maarso, 17, 2018 (HOL)-Maalmihii u dambeeyey waxa jiray Buuq ka dhashay gabay ku jiray buug uu qoray wasiirka Warfaafinta Somaliland C/raxmaan Gurey Barwaaqo oo toddobo sanno ka hor buug uu daabacay.

3/17/2018 8:25 AM EST
Sabti, Maarso, 17, 2018 (HOL)-Aqalka sare ayaa goor dhaw guddi u saaray khilaafka ka dhax taagan Golaha Shacabka kaddib Mooshin laga keenay guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

3/17/2018 5:59 AM EST
Sabti, Maarso, 17, 2018 (HOL)-Ragga maxkamada la hor keenay oo kala ah Maxammed Cabdiraxmaan Maxmuud,Jamaal Maxammed Cali Cabdi iyo Axmed Aadan weerar Dhagaxow,ayaa ku eedeysan in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab.

3/17/2018 5:40 AM EST
Sabti, Maarso, 17, 2018 (HOL)-Ku dhawaad ilaa 100 Askari oo ka tirsan Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa lagu wareejiyay Sugida Amaanka dhismaha Xarunta Golaha Shacabka Soomaaliya.

3/17/2018 4:59 AM EST
Sabti, Maarso, 17, 2018 (HOL)-Rag hubeysan ayaa goor dhaw magaalada Muqdisho ku toogtay Nabadoon Axmed Cabdulle Jimcaale oo ka mid ah Nabadoonnada siweyn looga garanayo guud ahaan gobolka Hiiraan.,

3/17/2018 2:40 AM EST
Sabti, Maarso, 17, 2018 (HOL) – War ka soo baxay Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Talyaaniga, Mareykanka, Ingiriiska, Sweden iyo Itoobiya waxay walaac xooggan kaga muujiyeen xiisada siyaasadeed ee ka soo cusboonaatay Soomaaliya.

3/17/2018 1:56 AM EST
Sabti, Maarso,17,2018 (HOL)–Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo ay Mooshin ka keeneen tiro ka badan 100 xildhibaan ayaa sheegay in sharci ahaan uu jabey Mooshinkii la soo gudbiyay, laakiin isaga oo u daneynaya badbaadinta Golaha Shacabka ogolaanayo in xildhibaannada ka soo horjeeda soo dhameystiraan xubnaha ka dhiman si uu sharci u noqdo mooshinka.

3/17/2018 1:47 AM EST
Sabti, Maarso, 17, 2018 (HOL)–Taliska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee gobolka Hiiraan ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaal culus oo ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ku dhexmaray deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.

3/17/2018 1:38 AM EST
Sabti, Maarso, 17, 2018 (HOL) – Iyadoo aad moodo in ay cirka isku shareertey xiisada siyaasadeed ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xukuumadda ayeey ugu baaqeen xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu deg deg arinta u soo faragaliyo.

3/17/2018 1:26 AM EST
Sabti, Maarso, 17, 2018 (HOL) - Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya iyo Taliska Booliska oo ka hadlay la wareegista xarunta golaha shacabka ayaa sheegay in ciidamo booliis ah ku xoojiyeen oo kaliya ciidamadii horey horey u sii jooogay, iyaga oo meesha ka saaray in ciidamo ka tirsan kuwa Koofi Gaduud iyo ciidamada Xasilinta ay la wareegeen.