4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 17, 2018
Buuq ka dhashay gabay ku jiray Buug uu qoray toddobo sanno ka hor wasiirka Warfaafinta Somaliland

 

Sabti, Maarso, 17, 2018 (HOL) - Maalmihii u dambeeyey waxa jiray Buuq ka dhashay gabay ku jiray buug uu qoray wasiirka Warfaafinta Somaliland C/raxmaan Gurey Barwaaqo oo toddobo sanno ka hor buug uu daabacay.

Buugaasi uu wasiirka warfaafintu qoray oo magaciisa la yidhaahdo Sooyaal ayaa waxa ka cadhooday Gabay ku jira buugaasi oo lagu aflagaadeeyey dumar ka mid ah beelaha reer Somaliland, waxaanay dumarkaasi ku doodeen in buugaasi dib loo soo ururiyo oo la gubo,isla markaana wasiirka uu wasiirku xaal ka bixiyo gabaygaasi dumarka lagu aflagaadeeyey ee buugiisa ku qoran.

Suugaanta buugaasi ku jira waxa soo bandhigay oo macalin af soomaaliga dhiga oo la yidhaahdo Maxamed Bedel oo wasiirka ku eedeeyey inuu shaqadiisa ka joojiyey, isla markaana dumarka ku kiciyey, taasina waxay gaadhay in haween badani warbaahinta ka dhaliilaan wasiirka oo ay gabayo badan u tiriyaan.

Khilaafka ka dhashay buugaasi ayaa meel sare gaadhay, waxaana sababtay in wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Guray-barwaaqo iyo suldaanka ay ka soo jeedaan dumarkaasi eedaha usoo jeediyey ee wasiirka naqdiyey ay warbaahinta la hadleen, waxaanay sheegeen in buugaasi wakhtigii la qoray lagu soo bandhigay jaamacadda Hargeysa, haseyeeshee uu macalinkaasi Jaamacada Hargeysa af soomaaliga ka dhigi jirey uu si khaldan ugu turjumay gabay ku yaala buugaasi oo uu sheegay in hablaha beelo ka mid ah Somaliland wax laga sheegay, waxaanu wasiirku raaligalin ka bixiyey qoraalka buugaasi ku jirey ee sida khaldan loo turjumay.

“buugaasi waxaan qoray toddobo sanno ka hor, waxaana lagu daabacay Hargeysa, ujeedadayduna waxay ahayd sida dumarka loo qiimayn jirey inaan soo bandhigo, gabaygan ku qoran buuga ee ninkaasi sida khaldan u faafiyey waxay ahayd Abwaan gabay aflagaado ah dumarka wax kaga sheegay in laga mamnuucay inuu dib dambe u qabyo, waxaana berber dhigayey Sayid Cabdalle Xasan oo isna gabayo badan leh oo uu dumarka wax kaga sheegayo in aan isaga waxba lagu xukumin, taasina ay ka soo horjeeday dhaqanka Soomaalida, waxaana anigu taageerayey dumarka Soomaaliyeed oo aan u hiilinayey, waayo ninkii gabaygaasi tiriyey xaalna waa laga qaaday gabaygiina waa laga xayirey ”ayuu yidhi Guri Barwaaqo.

Sidoo kale, Suldaanka Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo hablaha wasiirka eedeynayey suldaan u ah ayaa sheegay in fidmadan uu kiciyey macalin Bedel oo wasiirka arrimo isku hayey, taasina uu ka dhigay in wasiirku dumarka caayey, waxaanu sheegay in aanay fiicnayn in fidmo la kiciyo oo dumarka lagu kiciyo.

Si kastaba ha ahaatee, Buuga qayladan kiciyey ayaa la yidhaahda Sooyaal, waxaanu kaga hadlayey sida aanu dhaqanka iyo diintu uga soo horjeeday in haweenka wax laga sheego, waxaanu soo bandhigay abwaano gabayga laga xayirey ka dib markii ay dumarka ku aflagaadeeyeen.

Gabaygan ku qoran Buugan Sooyaal ee dumarka lagu aflagaadayanayey ayaa la sheegay inuu tiriyey Abwaan Dalaayad, haseyeeshee uu ku wanjalay abwaan Guuleed Doolla yare, ka dibna uu Guuleed Dhoola yare iska fogeeyey inuu gabaygaasi leeyahay, markii cidii tirisay gabaygaasi la isku qabqabsaday waxa madal ay iskugu yimaadeen abwaano Soomaaliyeed uu abwaankii lagu wanjalay ee Guuleed Dhoolayare ku dhaartay in aanu tirin, haseyeeshee waxa isagu goobtaasi ka cadeeyey inuu tiriyey Abwaan Dalaayad oo sheegay inuu ula jeeday kaftan iyo inuu ku xumeeyo Abwaan Dhoola yare oo dumarka la aflagaadeeyey afar xaas ka qabay, isla markaana waxa uu dhalan rogay gabay uu Abwaan Dhoola yare ku amaanayey dumarka uu qabay reerka ay ka soo jeedaan oo uu ka dhigay gabay cay ah, waxaana halkii lagu xukumay Abwaan Dallaayad in aanu dib dambe wax gabay ah u tirin, iyadoo Abwaan Dhoola yare iyo Abwaan Dalaayadba ay labaduba xaal lacageed ka bixiyeen gabaygaasi la isku qabqasaday ee dumarka lagu aflagaadayanyey oo Gabaygiina loo bixiyey gabaygii xaalka, sida uu sheegay Ibaaraahm Xaaji Yuusuf Xaaji Guuleed oo uu awoow u ahaa Abwaan Dhoola yare, waxaanay ahayd wakhtigaasi wakhti hore oo lagu qiyaasay lixdamaadkii.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland