4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 17, 2018
Maxkamada Ciidamada oo u fariisatay dacwad ka dhan ah rag loo heysto farsameynta Qaraxyada


Sabti, Maarso, 17, 2018 (HOL) -  Ragga maxkamada la hor keenay oo kala ah Maxammed Cabdiraxmaan Maxmuud,Jamaal Maxammed Cali Cabdi iyo Axmed Aadan weerar Dhagaxow, ayaa ku eedeysan in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab.

Raggan ayaa ku eedeysan in ay Al-shabaab u qaabilsanaayeen farsameynta Qaraxyada, waxaana uu guddoomiyaha maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute ka dalbaday xafiiska xeer ilaalinta in ay keenaan baarihii kiiskan, si su’aalo loo weydiiyo.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa sidoo kale soo bandhigay Sawirro laga soo qaaday Agab lagu farsameyn jiray qaraxyada oo lala soo qabtay Saddexdan eedeysane iyagoo sheegay in eeysan hor keeni karin garsoorka maadaama aysan aqoon badan u laheyn balse ay hayaan Agabkaas.

Dhinaca kale, Qarreenada difaacayay eedeysanayaasha ayaa Maxkamadda weydiistay in loo naxariisto eedeysanayaasha, iyagoo oo adeegsanayo, lana fududeeyo Kiiska dacwada ka dhanka ah.

Raggan ayeey ciidamada ammaanka dhawaan ka soo qabteen gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan degaanka Ceelasha Biyaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]