4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 17, 2018
Prof Jawaari : Waxaan ogolahay in cod lagu kala baxo

 

Sabti, Maarso,17, 2018 (HOL)–Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo ay Mooshin ka keeneen tiro ka badan 100 xildhibaan ayaa sheegay in sharci ahaan uu jabey Mooshinkii la soo gudbiyay, laakiin isaga oo u daneynaya badbaadinta Golaha Shacabka ogolaanayo in xildhibaannada ka soo horjeeda soo dhameystiraan xubnaha ka dhiman si uu sharci u noqdo mooshinka.

‘’Sida aad ogtihii mooshinka leyga oo gudbiyay sharci ahaan wuu jabay, madaama uu buuxin waayay tiradii loo baahnaa in uu ku ansaxo, laakiin waxaan ogolahay in xildhibaannada mooshinka wada soo dhameystiraan tirada mooshinka ka dhiman, kaddibna cod lagu kala baxo, Anniga oo taa u sameynaya badbaadinta Golaha Shacabka’’ ayuu yiri Prof Maxamed Cismaan Jawaari.

Guddoomiye Jawaari ayaa dhinac dalbaday in meel ka baxsan xarunta Golaha Shacabka lagu qabto kulanka xildhibaannadu ugu codeynayaa mooshinka kalsooni kala noqoshada, isaga oo xarunta Baarlamaanka ku tilmaamey goob aan lagu kalsoonaan karin oo ay Xukuumadu la wareegtay.

Wali ra’iisal wasaare Kheyre kama uusan hadal eedeynta culus ee uga timid dhinaca guddoon Golaha Shacabka oo sheegay in ciidamo isaga ka amar qaata la wareegeen xaruntii Baarlamaanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]