4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 17, 2018
Wasaaradda Amniga iyo taliska Booliiska oo ka hadlay la wareegista xarunta golaha shacabka

 

Sabti, Maarso, 17, 2018 (HOL) - Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya iyo Taliska Booliska oo ka hadlay la wareegista xarunta golaha shacabka ayaa sheegay in ciidamo booliis ah ku xoojiyeen oo kaliya ciidamadii horey horey u sii jooogay, iyaga oo meesha ka saaray in ciidamo ka tirsan kuwa Koofi Gaduud iyo ciidamada Xasilinta ay la wareegeen.

Xassan Macalin Xusseen oo ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa sheegay in ciidamada la geeyay xarunta golaha shacabka ay yihiin kuwo suga amniga oo ka tirsan Booliska, isla markaana uu ahaa amar ka yimid Wasaaradda

“Annaga ayaa ka dalbaney taliyaha Booliiska in ciidamo Booliis ah oo suga Amniga xarunta golaha Shacabka lagu kordhiyo ciidamadii horey halkaa u sii joogey, wuuna aqbalay laakin ma jirto Ciidamo kale oo la geeyay ayuu yiri’’ Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Amniga”ayuu yiri Wasiiru dowlaha Amniga.

Jen Bashiir oo ah Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa dhinaciisa sheegay in sababta ciidamada loo geeyay ay tahay ciidamo boolis ah oo tababaran, isla markaana xaqiijinaya amniga Xarunta, si aanay xarunta uga dhicin fowdo, maadaama ay jirto xiisad siyaasadeed sida uu yiri.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada Booliska aanay aheyn ciidamo qolo gaar u adeegaya, balse ay yihiin ciidan nidaam iyo dishibiliin leh.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ku eedeeyay Ra’iisul Wasaaraha in ciidamo uu diray ay la wareegeen xarunta, isla markaana wixii ka dhaca uu mas’uul ka yahay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]