4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 16, 2018
Dagaal Al-shabaab iyo xoolo dhaqato ku dhaxmaray gobolka Hiiraan

 

Jimco, Maarso, 16, 2018 (HOL) – Inta la xaqiijinayo 7 ruux oo dhinacyadii dagaaalamay ka kala tirsan ayaa ku dhintay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii uu dagaal ku dhex maray qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan Al-Shabaab iyo dad xoolo dhaqto u badnaa.

Dadka deegaanka oo ka soo horjeeda in laga qaado xoolo ay Shabaab ku sheegeen Zako ayaa kula dagaalamay Al-shabaab degaanno lagu magacaabo Muuse Geel, Bulacle iyo Iibi Butaale oo kala hoostaga degmooyinka Maxaas iyo Buula-burte.

Daahir Muuse Cosoble oo ah horjoogaha maleeshiyaadka dadka xoolaha dhaqatada ah ayaa sheegay in Al-shabaab ay soo warareen subaxnimadii hore ee saakay dad xoolo dhaqato ah oo ku sugnaa deegaannada lagu diriray,

Daahir ayaa intaa ku daray in dagaalka uu labo waji lahaa, taasoo keentay in uu sababo wax yeello balaaran oo soo kala gaartay dhinacyada dagaalamay.

Maleeshiyaadkan deegaanka ayaa lagu magacaabaa ‘’Macwiisleey’’ iyaga oo marar badan oo hore dagaallo kala duwan la galay dagaalamayaasha Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]