3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 16, 2018
Sacuudiga oo ku goodiyay in laga yaabo in uu Nukliyeer samaysto

 

Jimco, Maarso, 16, 2018 (HOL) – Dawladda Sacuudi Carabiya ayaa ku goodiday in ay samaysan doonto hub nukliyeer ah haddii Iiraan oo ay gobolka isku hayaan ay samaysato hubkaas.

Dhaxal sugaha boqortooyada Maxamed Bin Salmaan ayaa warbaahinta Maraykanka laga leeyahay ee CBS News u sheegay in dalkiisu uusan rabin in uu samaysto Nukliyeer.

"Balse shaki kuma jiro haddii ay Iiraan samaysato bam Nukliyeer ah in markaas dalkiisuna uu sidaas oo kale yeeli doono waliba sida ugu dhakhsaha badan". Maxamed ayaa intaas ku sii daray hadalka.

Iiraan ayaa xaddiday barnaamijkeeda Nukliyeerka sannadkii 2015kii, ka dib markii ay heshiis la gashay qaar ka mid ah dalalka ugu ugu awoodda wayn caalamka - balse madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku goodiyay in uu heshiiskaas ka bixi doono.

Sacuudi Carabiya iyo Iiraan ayaa wakhti dheer isku hayay Bariga Dhexe iyaga oo kala hoggaamiya Sunniyiinta iyo Shiicada, sida taariikhda lagu hayana waxay kala taageeri jireen dhinacyada isku qabta gobolkaas.

Sannadihii dambana waxaa sii xoogaystay xiisadda u dhaxaysa tan iyo wixii kadambeeyay dagaaladdii ka billawday Suuriya iyo Yemen.

Dhaxal suge Maxamed Bin Salman ayaa sidoo kale ah wasiirka difaaca ee Sacuudi Carabiya, wuxuuna hadalkaas ka sheegay mar uu waraysi siinayay barnaamijka 60 Minutes ee ka baxa CBS.

Wuxuu sidoo kale sharaxaad ka bixiyay sababta uu bishii Nofeembar Ayatollah Cali Khamenei ugu tilmaamay "Hitlerka cusub ee Bariga Dhexe".

"Wuxuu doonayaa in uu Bariga Dhexe ka abuuro mashruuc u gaar ah, sidii Hitler wakhtigiisii u rabay is ballaarinta", ayuu yiri amiirka dhaxalka leh.

"Dalal badan oo Dunida iyo Yurub ku kala yaalla ma aysan xaqiiqsanin khatartii Hitler tan iyo intii uu ka dhacay wixii dhacay, mana doonayo in arrintaas oo kale ay ka dhacdo Bariga Dhexe.

Xigashada Warkan BBC













Click here
3/16/2018 1:33 PM EST
Jimco, Maarso, 16, 2018 (HOL)–Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo goor dhaw shir jaar’id qabtay ayaa sheegay in Ciidamo ka amar qaata ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre uu xoog kula wareegeen xaruntii Golaha Shacabka.

3/16/2018 12:28 PM EST
Jimco, Maarso, 16, 2018 (HOL)–Ciidamada ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa goor dhaw la wareegey xarunta Golaha Shacabka sida uu Hiiraan Online u sheegay goor dhaw Xog-hayaha guud ee baarlamaanka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux.

3/16/2018 11:11 AM EST
Jimco, Maarso, 16, 2018 (HOL)–Inta la xaqiijinayo 7 ruux oo dhinacyadii dagaaalamay ka kala tirsan ayaa ku dhintay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii uu dagaal ku dhex maray qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan Al-Shabaab iyo dad xoolo dhaqto u badnaa.

3/16/2018 10:51 AM EST
Jimco, Maarso, 16, 2018 (HOL)–Ciidamada dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay Hub, Walxaha qarxa iyo qaar ka mid ah Raggii watay oo la sheegay in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab.

3/16/2018 10:04 AM EST
Jimco, Maarso, 16, 2018 (HOL) – Xarunta Villa Hargeysa ayaa maanta kulan ku yeeshey xildhibaanno ka tirsan Golaha shacabka iyo guddiga joogtada baarlamaanka oo su’aalo laga weydiinayay sida ay ku buriyeen mooshinkii laga keenay guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

3/16/2018 5:19 AM EST
Jimco, Maarso, 16, 2018 (HOL)–Qiimeyn ay sameysay hay’adda Qaramada Midoobey ee International Happiness ayaa lagu sheegay in Soomaaliya kaalinta Lixaad uga jirto guud ahaan Qarada Africa wadamada dadkeedu ugu farxada badan yihiin, halka dunida oo dhanna Soomaaliya ay kaga jirto kaalida 98aad.

3/16/2018 3:00 AM EST
Jimco, Maarso, 16, 2018 (HOL)–Rwanda ayaa ka mamnuucday Maasjida caasimada Kigali codbaahiyaha xiliga Salaada guud ahaan Maasjida caasimada, iyaga oo arintaan ku micneeyay in ay dhibaato ku tahay dadka deegaanka.

3/16/2018 2:12 AM EST
Jimco, Maarso, 16, 2018 (HOL)–Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow ayaa xalay waqti dambe kormeer amni ku tagay degmada Hilliwaa ee gobolka Banaadir.

3/16/2018 2:02 AM EST
Jimco, Maarso 16, 2018 (HOL) – Dowladda Qatar ayaa khamiistii warqad cabasho ah u gudbisay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, taa oo ay uga cabanayeen in dalka isu tagga imaaraadka Carabta uu ku xad gudbay hawadooda.

3/16/2018 1:56 AM EST
Jimco, Maarso, 16, 2018 (HOL) – Sida lagu daabacay Wakaalada Wararka Reuters dowladda Imaaraadka Carabta ayaa lagu wadaa in ay tababar siiso ciidamada Somaliland, arintan oo qeyb ka ah sida uu sheegay madaxweyne Muuse Biixi heshiiska lagu dhisayo Saldhigga Milateri ee Imaaraadka Carabta ka sameynayo Berbera.

3/16/2018 1:40 AM EST
Jimco, Maarso, 16, 2018 (HOL)–Warar ka imanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in kooxo aan la garaneynin Bamgacmeed ku weerareen ciidamo ka tirsanaa ilaalada Dekedda.