Jimco, Maarso, 16, 2018 (HOL) – Ra’iisul Wasaaraha
Xukumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo Guddoomiyaha
Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow
ayaa xalay waqti dambe kormeer amni ku tagay degmada Hilliwaa ee gobolka Banaadir.
Kormaarka Ra’iisul Wasaaraha sidoo kale waxaa
qeyb ka ahaa taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya, qaar ka tirsan guddoomiyeyaasha
degmooyinka oo uu ugu horeeyo guddoomiyaha degmada Hilliwaa iyo Saraakiil kale
oo ciidan.
Ka hor inta uusan Ra’iisul Wasaaraha bilaabin kormeerkiisa
ayaa waxaa ciidamo badan oo ka tirsan dowladda federaalka lagu daadiyay
dhammaan xaafadaha ay ka kooban tahay degmada iyo wadooyinka waa-weyn, kuwaasi
oo ammaanka xaqiijinayay inta uu kormeerka socday, si aysan u dhicin arbushaad.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo guddoomiyaha gobolka
Banaadir ayaa kormeer ku tagay baraha Kontorool ee ciidamada dowladda ay ku
leeyihiin gudaha degmadaasi iyo xarunta degmada, waxayna ciidamada xilligaasi
ku guda jireen howlahooda shaqo.
“In Habeen Saq-dhexe ah aan joogno degmada
Hilliwaa waxa ay ka dhigan tahay nabadda oo ku sii baaheysa guud ahaan dalka,
waxaan diyaar u nahay in har iyo habeen aan u shaqeyno shacabka Soomaaliyeed,
Saraakiisha iyo ciidamada waxaan ku dhiiragelinayaa in ay kordhiyaan
waajibaadkooda, maxaa yeelay shacabka adinka ayay idinku seexdaan” ayuu yiri
Khayre.
Raiisul Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Khayre,
ayaa 14-kii bishan xilli habeen ah ka baaqday kormeer uu doonayay inuu ku maro
Isgoysyo ka mid ah magaalada Muqdisho, kaddib markii ay soo kordheen arrimo
xasaasi ah oo Siyaasadeed.
Khayre ayaa balamiyay Suxufiyiinta, waxaana loo
sheegay Wariyeyaasha in uu Kormeer sameynayo Khayre, sidaasi awgeedna 12:00
habeenimo ayaa Suxufiyiinta la isugu geeyay Daljirka Daahsoon, halkaasi oo lagu
diyaariyay gaadiid badan oo qayb ka noqon lahaa kormeerka Ra’iisul Wasaare
Khayre.
Intaasi kaddib ayaa Suxufiyiinta waxaa loo
sheegay saacad kadib inuu baaqday kormeerkii Ra’iisul Wasaaraha, kaddib markii
la helay xogta ku aadan xildhibaano waday abaabul Mooshin ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]