4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 16, 2018
Imaaraadka oo ciidamo u tababaraya Somaliland

 

Jimco, Maarso, 16, 2018 (HOL) –Sida lagu daabacay Wakaalada Wararka Reuters dowladda Imaaraadka Carabta ayaa lagu wadaa in ay tababar siiso ciidamada Somaliland, arintan oo qeyb ka ah sida uu sheegay madaxweyne Muuse Biixi heshiiska lagu dhisayo Saldhigga Milateri ee Imaaraadka Carabta ka sameynayo Berbera.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa isaga oo ku sugan magalada Abu Dhabi u sheegay Reuters in Imaaraadka Carabta ay tababari doonaan ciidamada Booliska iyo Militariga Somaliland, isagoo rajo ka muujiyay in heshiiskan lagu soo gabagabeyn doono labo bilood

Laakiin dhinaca Imaaraadka kama aysan hadal sheegashada Muuse Biixi, hase ahaatee waxaa ay Imaaraadka Carabta ku adkeysanayaan in ay Boqolaal Milyan oo Dollar ku maalgelinayaan sanadaha soo aaddan si ay isugu fidiso khad xeebeedka istiraatiijiga ah ee Gacanka Cadmeed

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Sacad Cali Shire oo goobta wareysiga lagu qaadayay oo ahayd Abu Dhabi jooggay ayaa diiday inuu sheego tirada ciidamada Imaaraatka ee saldhigan doona saldhiggaasi.

Muuse Biixi ayaa rajo ka muujiyay in maalgashiga Imaaraadka oo uu ku jiro dhismaha garoon rayid ah oo cusub, dhismaha waddo isku xirta Berbera iyo Ethiopia ay soo kordhin doonto fursado shaqo, isagoo xusay in shaqa la’aan daran ay ka jirto deeggaannada uu ka arrimiyo.

Imaaraadka Carabta ayaa sanadihii ugu dambeeyay xoojiyay saameyntooda siyaasadda arrimaha dibadda, iyagoo fara-gelin ku sameeyay Yemen, halkaas oo ciidankooda ay ka barbar dagaalamayaan ciidamada dowladda Yemen ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta, sidoo kale waxaa ciidamo caalami ka joogaan dalalka Kosovo iyo Afghanistan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]