4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 15, 2018
Aqalka Sare oo isku raacay xeerkii dalka looga mamnuucay shirkadda DP World

 

Khamiis, Maarso, 15, 2018 (HOL)–Xildhibaannada Aqalka sare ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho, waxay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen in shirkadda DP World aysan dalka Soomaaliya ka howlgali karin.

Waxaa ogolaaday xeerka 28 ka mid ah xildhibaanada Golaha Aqalka Sare 6 ka mid ah xubanaha Aqalka Sare ayaa diiday halka 2 Mudane ay ka aamuseen, taasi oo ka dhigan in kulanka ay soo xaadireen 36 xildhibaan.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/laahi ayaa warbaahinta u sheegay in xeerkan uu ka soo gudbay Golaha Aqalka Sare wixii hada dambeeyana uu u gudbay Madaxweynaha Soomaaliya.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Isniintii sharci daro ku tilmaamay dhammaan heshiisyadii ay shirkadda DP World ka sameysay Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in guud ahaan laga mamnuucay dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]