4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 15, 2018
Shirkii golaha wasiirada Jubbaland oo looga hadlay qodobo uu kamid yahay is-qab-qabsiga la xiriira dhulalka
Khamiis, Maarso, 15, 2018 (HOL)–Golaha wasiirada dowlad goboleedka Jubbaland oo maanta yeeshay kulankoodii khamiislaha ahaa oo uu shir gudoomiyaha madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Max'ed Islaam ayaa diiradda lagu saaray arimo kala duwan oo ay kamid yihiin biyo la'aanta ka jirta qeybo ka tirsan gobolka J/hoose, hannaanka mideynta canshuuraha iyo  muranka la xiriira dhulalka ee mudooyinkii u danbeeyay kusoo badanayay Kismaayo, ayadoo intii uu kulanka socday warbixinno laga dhageystay qaar kamid ah wasiirada Jubbaland.

Shirkan oo ay warbaahintu dibad joog ka ahayd ayaa markii uu soo idlaaday waxaa ka warbixiyay waxyaalihii looga hadlay wasiirka wasaaradda warfaafinta, isgaarsiintai yo Tiknoolijiyadda Jubbaland Mudane C/nuur Cali Aadan.

Wasiirka ayaa sheegay in shirka diiradda lagu saaray arimo kala duwan, oo ay kamid tahay sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyink ka taagan is-qab-qabsiga dhulalka, arintaa oo uu xusay in go'aano cadcad laga soo saaray.

Wasiirka ayaa sheegay in maanta wixii ka danbeeya amar lagu bixiyay askarigii lagu arko isaga oo qeyb ka ah muran dhinaca dhulalka ah tallaabo laga qaadi doono, sidoo kale dadka uu ka dhexeeya muranka dhinaca dhulalka ayaa iyaguna looga digay in ay askar isu adeegsadaan.

Mudooyinkii u danbeeyay magaalada Kismaayo waxaa kusoo badanayay dacwadaha la xiriira dhulalka, ayadoo ay xusid mudantahay in maxkamadda gobolka iyo kan degmada ay u maara la'yihiin murannada ku saabsan dhulalka, maadaama dhulalka la isku heysto ay intooda badan yihiin dhulal aan sharciyeysnayn oo la dagay wixii ka danbeeyay burburkii dowladdii dhexe ee dalka.

Halkan ka daawo Wasiirka warfaafinta Jubbaland oo faahfaahinaya waxyaalihii looga hadlay shirkii golaha wasiirada;



Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.