4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 15, 2018
Qarashaadkii ku bixi jiray guurka ka dhaca degmada Luuq oo hoos loo dhigay
Khamiis, Maarso, 15, 2018 (HOL)–Wareegto kasoo baxay maamulka degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa looga mamnuucay shacabka ku dhaqan degmadaasi, gaar ahaan lamaaneyaasha doonaya in ay is guursadaan in maharkooda aysan ku qabsan Karin xaafadaha oo ay yimaadaan maxkamadda demgadaasi, halkaa oo uu maamulku sheegay in guurkoodu ka dhici doono.

Wareegtan oo uu qaar kamid ah shacabka degmadaasi u aqriyay gudoomiyaha degmada Mudane Max'ed Xuseen Cismaan (Ganeey) ayuu sheegay in maanta wixii ka danbeeya aan la ogolaan doonin in qarashaad badan lagu bixiyo xafladaha guurka.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in lacagaha ku baxa maharka ay noqon doonaan 3,000,000 Sh. Som.  oo u dhiganta wax ka yar $150, mahar iyo aroosna ay halmar dhici doonaan oo aan la ogolaan doonin in maharka waqti laga dhigo arooskana waqti kale.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in alaabta loo dhigayo gabadha ay fududeeyaan, isagoo xusay in alaabta loo yaqaan Laba Sheeyga, oo ah Jiif qura la dhigi doono, oo ay meesha ka bixi doonto in ragga guur doonka ah lagu xujeeyo in ay jiif iyo fadhi dhigaan xilliga ay guursanayaan.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in amarkan ay soo saareen kadib markii ay arkeen cabashooyinka dhalinyarta ee ku aadan dhanka guurka.

Sida caadiga ah, wiilka iyo gabadha is guursanaya ayaa ka heshiin jiray nooca ay noqoneeyso xafladda arooskooda iyo weliba alaabta la dhigayo guriga, ayadoo marka la gaaro xafladda maharka ay ehelka wiilka bixin jireen lacago Sooryo ah, oo hadba la eg inta ay isku afgartaan labada reer.

Bulshada ku dhaqan degmadaasi ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay amarka kasoo baxay maamulka, ayadoo qaar kamid ah dadka ku dhaqan degmadaasi ay soo dhaweeyeen, halka qaar kalena ay sheegeen in ay tahay mid xad gudub ku ah xoriyadooda.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.