4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 15, 2018
Maamulka Mandera oo dalbaday in lala wadaago macluumaadka dhinaca Amniga

 

Khamiis, Maarso, 15, 2018 (HOL) -- Maamulka degmada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa shalay bulshada Soomaalida ka dalbaday in la wadagaan macluumaadka la xiriira dhinaca Amniga.

Guddoomiyaha degmada Mandera Kutswa Olaka,oo hogaaminayay wadahadallo dhaxmaray labada dhinac ayaa sheegay in la joogo waqtigii si dhab ah looga wada shaqeyn lahaa Amniga loona wadaagi lahaa macluumaadka,wuxuuna ka dalbaday Soomaalida in ay laamaha amaanka u soo gudbiyeen haddii ay la kulmaan macluumaad amniga wax u dhimaya.

Mr. Olaka ayaa sheegay in wali Qatar Amni ay ka dareemayaan Xuduuda ay la wadaagaan Soomaaliya oo ah in ay ka soo gudbayaan kooxo xiriir la leh Ururka Al-shabaab.

Wuxuuna kalsooni ka muujiyay in haddii ay mar wada shaqeyn buuxda ay dhexmarto Shacabka Soomaaliyeed iyo Laamaha ammaanka Kenya ay ka guuleysan karaan kooxda Al-Shabaab ee mararka qaar qalalaasaha ka geysata gudaha Kenya.

Ciidamada Ammaanka Kenya ayaa adkeeyay ammaanka deegaanada Gobolka Waqooyi Bari Kenya si looga hortago weeraro ka yimaada Argagixisada Al-Shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]