4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 14, 2018
Aqalka sare oo ku kala aragti duwan doodda xeerkii Golaha shacabka uu ka soo saaray shirkadda DP World

 

Arbaco, Maarso, 14, 2018 (HOL) –Xildhibaannada Aqalka sare ayaa lagu waramayaa in ugu danbeyntii ay kula tageen kulan muddo dheer qaatey oo looga dooddayay go’aanka Aqalka sare uu ka qaadanayo Xeerkii maalin ka hor xildhibaannada Golaha shacabka isku raaceen ee ka dhanka ahaa shirkadda DP World.

Mudanayaasha Aqalka sare ayaa siweyn isugu khilaafay doodda arintan ku saabsan oo markii danbe xitaa isku afgaran waayay waqtiga go’aan ka gaarista qodobka.

Kulanka xidlhibaannada Aqalka sare oo siweyn isha loogu wada hayay ayaa u muuqda mid ku soo dhamaaday natiijo la’aan, iyadoo la filayay in goluhu ku raaci doono baarlamaanka Soomaaliya go’aankii uu qaatay shirkadda laga leeyahay dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta ee DP World.

Xildhibaannada qaarkood ayaa soo jeediyay in loo yeero ra'iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya iyo Wasiirka arrimaha dibeda si arintan wax looga weydiiyo

Guddoonka Aqalka sare ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan doodda arintan ku saabsan todobaadyada soo socda.

Golaha Shacabka ayaa Isniintii fadhigooddii ugu horeeyay Kaldhiga Saddexaad waxaa ay isku afgarteen xeerka dhowrista madax-bannaannida iyo Qarannimada Soomaaliya, iyaga oo dhinaca kalana dalka ka mamnuucay shirkadda DP World.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]